Isbarbardhig sir doonka Somaliland iyo Sirdoonka Puntland

Filed under: Important News,Wararka |

Siyaasiyiinta Maamulka Somaliland waxay u bareereen in ay kala dhantaalaan oo burburiyaan Midnimada Soomaalida iyagoo ay ku sababtay in ay burburiyaan Midnimada Soomaaliya nacaybka Qabiilka Daaroodka, waana marka xaqiiqda laga hadlayo ee hadalka barta saxdaa lowgutagayo.

Shaki kuma jiro in ay Gacmo shisheeye dhiibiyaan kharashaadka ku baxaya Gooni Isutaagga Somaliland, si markaas loo dhantaalo midnimada Soomaalida.
Dhanka kale Qowmiyadaha Tigrey iyo Amhara hadaad eegtid dhulka ay degaan Baaxadiisa,waxaa ka dhulwayn labadooda oo la isku daray Beesha Majeerteen, halkaan ka eeg dhererka badka labadaqowmiyadood oo la isku daray waa 500 km, oo u dhiganta Garoowe iyo Boosaaso oo qura, waliba Qawmiyadda Tigreegu iyagu dhulaky degaan waxaa ka wayn dhulka jifi yar oo Soomaaliya waliba badna malaha, sifican mapka uga eeg.
Tigrey Amhara

Marka Beesha Caalamka ayaad mooddaa in ay cabsi ka qabaan Beesha Daarood, oo iyadu degan dhulka ay Ethiopia Xoogga ku haysato inkastoo aanu hadda jirin dhaqdhaqaaq xornimadoon hadana shaki kuma jiro in uu jiro shaki mustaqbal, marka aad eegtid sida xaal u socdo, runtii Qowmiyadda Tigreega iyo Beesha Daarood ee Ethiopia ayaa baryahaani ka dhexeeyaa isxulufaysi iskashi, hadana Beesha Caalamka ayaan marna aamini karin Beesha Daarood waa sida xaalku u muuqdo.

Hadaba labada maamul ee Somaliland iyo Puntland ayaa isku haystay deegaanada SSC.
Somaliland oo iyadu Soomaaliya uga go’aysa waxlawadagaagidda Beesha Daarood oo uu kasoo jeeday Maxamed Siyaad Barre ayaa laba arrimood oo aan macquul ahayn rabta in ay Socodsiiso iyadoo Beesha Caalamka Taageero uga helaysa si Soomaaliya loo dulleeyo.
1) Qaranimadii Soomaaliya iyo Midnimadii Soomaaliya waxba kama jiraan
2)Beesha Daarood iyo Godabiirsay deegaanadeeda Qaybo kamid ah ayaan la go aynaa oo khasab iyo Qori caaradiis bay nagu raacayaan.

Puntland ayaa ku doodaysa 2 arrimood oo fikirka Somaliland lidi ku ah.
1) Midnimada Soomaaliya waa muqadis.
2) Deegaanada Beesha Daarood ee Harti marna lama kala Goynkaro, hadiise laka goynayo waa in ay Soomaaliya ka mid ahaadaan.

Dhanka kalena Wax Ciidamo ah Puntland leedahay ayaan xoog iyo Qori caaraddi ku haysan deegaanada Beesha Dhulbahante.

Hadaba haddii ay Soomaaliland.
1) Rabto in Soomaali midnimadeedii la kala gooyo.
2)in Beesha Daarood deegaanadeeda baad lagu qaato.
3) in Qori caaradiis lagu maamulo deegaanada beesha dhulbahante iyadoo caawimaad laga helayo Beesha Caalamka, maxaa la gudboon Soomaaliland.

Maxaa Soomaaliland la gudboon
1)Waxaa la gudboon in saxaafadda la isticmaalo oo la isku diro Beelaha Hartiga waliba la isticmaalo Horgalayaasha Dhulnahante, oo marna dareeska Somaliland loo xiro marna go’shaal ah loo xiro oo la yiraahdo afuufa Majeetteen.
2) In Beesha Caalamka iyo Ethiopia laga dhaadhiciyo in Soomaaliland ay u hiilinayso midnimada Qaranka Ethiopia, oo ay marwalba hor istaagayaan wixii wada midnimada Soomaaliya sidaasna lagu aqoonsado.
3) in Beesha Dhulbahate iyo warsangali jifi jifi loo qaybsho, oo sifiican loosoo barto jifi kasta meesha ay degto, oo markaas jifi kasta loo sameeyo Horgalayaal iyo Horjoogahood.
Matalan Beesha Bah hararsame waxaa lasoo ogaaday in ay Jifida Xaabsade ugu badan yihiin, waana sababta jifidaas oo Qura Horgalayaasha looga samaysto, halka Jifida Garaadka oo aan badnayn aan wax Horgalyaala looga samaysan, Jifida Cali Khaliif Qudhooda waa ay yaryihiin, marka Soomaaliland waxay marayaan heer ay Jifiyihihii hoose sii kala sarifaan oo kala xushaan, iyagoo eegaya deegaanka ay degaan iyo tiradooda.

Tuducda mowduuca.

Sirdoonka Somaliland ayaa si wanaagsan shaqadiisii u gutay, halka ay shaqadoodii gudanwaayeen Xukuumadda iyo Sirdonka Puntland oo haysta Jaanisyo farabadan oo aynan haysan Somaliland oo ay shacabka ku kasban lahaayeen balse dhumiyay dhamaan kasbashada shacabka ssc, kadib markii Xukuumadaas aynan haba yaraatee qabsan shaqadii shacabku u dhiibteen oo ay fashilmeen.

Dhanka kalena Beesha Caalamka ayaa kasii taxadaray kacdoonada Beesha Daarood ee mustaqbalka iman lahaa oo Cali Khaliif baa maamul aan awood lahayn horboodaya, waayo Cali Khaliif wuxuu kasoo horjeedaa Kacdoon Daaroodism oo waa kan marwalba ku hadaaqa “War annagu Qabiil doonimayno”, waana is yeelyeel waayo waxa hadda Soomaalidii dhexyaal waa qabyaalad marka xaqiiqda laga hadlo.
Haddii ay Garoowe deganaan lahaayeen Beesha Isaaq, Siyaaasiyiinta Beesha Isaaq ma ku dhawaaqi lahaayeen Gooni Isutaagga Somaliland, marka sababta ay Somaliland ugu dhawaaqeen sow Qabyaalad ma ahan, maa xaqiiqda meesheeda lowgu tago, haddiise Qabyaalad darteed Soomaaliland ay gooni isugu taagayso, maxay hadana deegaanada beelaha Hartigaa u sheeganayaan.

4 Responses to Isbarbardhig sir doonka Somaliland iyo Sirdoonka Puntland