Jaaliyadda Puntland ee Seattle oo xaflad sagoontin ah u sameeyey Wasiir K. Dekedaha iyo Gaadiidka

Filed under: Wararka |

Waxaa magaalada Seattle ee Waddankaan Maraykanka maanta ka dhacay xaflad heersare ah oo lagu sagoontinayey wasiir ku xigeenka Gaadiidka iyo Dekadaha Puntland Eng C/rashiid Gaanni Cali Shire oo dhawaan safar gaaban ku yimid gobolkaan islamarkaasna usbuucaan dhexdiisa ku laaban doona Puntland.
Kulankaan oo ay soo abaabuleen Puntland Diaspora Forum of Washington State Gudoomiyaheeda Nuune Diiriye Dhagaweyne iyo Hay’adda aan dowliga ahayn ee Rajo For Africa iee Gobolkaan Washington ayaa waxaa isugu yimid dhinacyada kala duwan ee dadweynaha ku dhaqan Gobolkaan gaar ahaanna Magaalada Seattle iyo Nawaaxigeeda.

Waxgaradka iyo masuuliyiinta kala duwan ee goobta ka hadashay ayaa dhammaan cabiray sida ay u taageersanyihiin Dowladda Puntland ee uu ka mid yahay Eng Abdirishid Gaani, iyagoo intaas ku daray inay joogtayn doonaan taageerada iyo taakulaynta dowladda iyo dadka Puntlandba.

Wasiir ku xigeenka oo isna madasha ka hadlay ayaa u mahad celiyey Jaaliyadda Washington nuune-seatle

nuune-seatle2

nuune-seatle3

nuune-seatle4

nuune-seatle5

nuune-seatle6

nuune-seatle7

nuune-seatle10

nuune-seatle11

nuune-seatle12

nuune-seatle14ee uu ka mid yahay, isagoo sheegay inuu intii tabartiisa ah dadaali doono oo uu talooyinka fikradaha Jaaliyadda reer Washington State u gudbin doono madaxda sarsare ee Puntland.

Xubno badan oo ka tirsan Xukuumadda haatan talada haysa ee Puntland oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa ka mid ahaa qurba joogta reer Puntland, taasoo keentay taageero iyo xiriirro joogto ah oo ay jaaliyadaha dibaddu la yeeshaan dowladda Puntland ee Soomaaliya