Jaamacadda Carabta oo ka hadashay xaalada qaxootiga Yemen ee soo gaaraya Soomaaliya

Filed under: Wararka |

Xoghayaha Jaamacadda Carabta Nabiil Al Carabi ayaa baaqaan diray kadib kulan ay wada qaateen safiirka Soomaaliya ee Magaalada Qaahira Cabdullahi Xassan Jaamaca Maalintii Khamiistii ee shalay, kulankaas oo looga hadlay xaaladda Qaxootiga Yemen.

Labada Mas’uul ayaa isla meel dhigay muhiimada ay leedahay in gargaarkaan la gaarsiiyo Somaliland iyo Puntland oo ah halka ugu badan oo ay gaareen Qaxootiga ugu badan, marka loo eego Soomaaliya inteeda kale.

“waxaan qaadeynaa talaabo aan uga jawaabeyno baahida Dadka Yemen, fadhiyadeena soo socda waxaan xooga ku saareynaa xaaladaha bini’aadanimo ee Qaxooiga ku sugan Soomaaliya” ayuu yiri Nabiil Al Carabi.

Xoghayaha ayaa xusay in uu jiray baaq kaga yimid Dowladda Jabuuti bishii May ee sanadkaan, kaasi oo Jabuuti ay kaga dalbatay Jaamacadda Carabta iyo Samafalayaasha in gargaar Cuno iyo dawo lala soo gaaro Qaxootiga ku sugan dalkeeda.

Sacuudiga iyo Xulufadiisa Carabta ayaa Weerar Cirka ah ku qaaday Waddanka Yemmen, kadib markii Xuutiyiinta ay meesha ka saareen Dowladii Madaxweyne Haadi oo hadda ku sugan isaga oo baxsad ah ku sugan Magaalada Riyaad ee Sacuudiga.