Joyce Banda Madaxwaynaha malawi oo sheegtay in Tahriibayaal Soomaaliya ay wadanka dhibaato kuhayaan hadana ay Ciidan Xuduuda u dirayso (Daawo)

Filed under: Wararka |

JOYCE-BANDA

Shacabka Soomaalidaa oo intii ay dawlad la-aanta noqdeen aduunka looga yaqaan Qaxootiga tahriibka badan ayaa hadda waxaa Cabasho iyo warsaxaafadeed kasoo saartay Haweenayda Madaxwaynaha ka ah dalka Malawi oo sheegtay in ay Soomaalidu kasoo tilaabaan tanzania dabadeedna ay Leeg wayn ee xuduuda ah kasoo gudbaan oo saas kusoo galaan Malawi, kadibna baasaboorka dalka iibsadaan, hadana ay dhib kuhayaan dalkeeda.

shacabka Malawi ayaa iga dalbaday in aan Xuduudaha ay kasoo talaabayaan ciidan gayno.

Dhanka kalena.
Lake-Malawi-Borders-Map
Warta Malaawi (malawi lake) ayaa ah ay war aad u wayn oo dhererkeedu gaaro ilaa 550 km halka ay balaca katahay 70 km ayaa u dhaxaysa wadamadda Malawi Tanzaniya Simbabwi iyo qaarkale.

Waxaa ay Dawladda malaawi South Africa kasoo iibsatay 7 doonyood oo kuwa dagaalka ah oo dheereeya, waxaana arinkaas aad walaac uga muujiyay wadamadda Warta Malaawi ka dhaxayso oo isle muxuu yahay ciidanka ay Haldawlad u adeegsanayso warta Biyaha ee naga dhexeeya.

Waana sababtaas sababta ay Joyce Banda durba afqabsi uga dhigatay Qaxootiga Soomaalidda.

Marka dad baa isle ma siyaasad kalaa meesha ku jirta mase waxaas oo qalaba Soomaalidda Masaakiintaa baa loosoo iibasady.

Halkaan ka daawo

Malawi’s president: patrol boats are to defend borders from Somali immigrants
Joyce Banda insists that the order of armed vessels from a South African defence firm “was a request from the people”, despite Malawian finances being hit by donors’ departure over corruption scandal