Jubbaland Ha Caga Dhigato [WQ: Xildhibaan Maxamed Cali Yusuf]

Filed under: Wararka |

Jubbaland waa magac ay bixiyeen shisheeyihii reer Yurub ee daneynayay degaanka Soomaalida muddo qarni iyo bar horteed ah. Magacu wuxuu ka soo jeedaa webiga ugu biyaha badan Soomaaliya ee Jubba, kaas oo dhulka kaga aaddan dhanka koonfur-galbeed. waa degaan ka kooban saddex gobol oo aan muran ku jirin (Gedo, Jubada-dhexe iyo Jubada-hoose). Waa degaan qiima u leh Soomaaliya iyo dowladaha deriska ah. Wuxuu ku yaal meel ay laba xuduud dhacaan (waa Itoobiya iyo Kenya), wuxuu ku yaal meel uu maro khadka dhul-baraha adduunka (waa Equator), wuxuu ku yaal meel ku hodan ah kheyraadka dabiiciga ah (xoolo, beero iyo macdan), Jubbaland waxay leedahay laba dhisma-hoosaad oo ay dunida kala xiriirto (waa dekad caalami ah iyo gegi-dayuuradeed oo caalami ah). Waa degaan eebe uu ku galladeystey barwaaqo dhammaanteed. Jubbaland waa hanti Soomaaliyeed oo reer gaar u leh ma jiro. Bal degaanku wuxuu astaan u yahay isku-dhafanka qabaa´ilka Soomaalida ah. Muuqaalka qaanso-roobaadku waa mid qurux badan. Waxaa quruxda u keenay waa midabyada kala duwan ee wada-socda. Haddii midab kasta uu keli ahaan u muuqan lahaa, ma yeesheen quruxda ay leeyihiin markii ay wada-socdaan. Sidaas ayuu gobolku astaan ugu yahay bulshada Soomaaliyeed iyo wada-socodkeeda.

Markii uu dagaalka sokeeye ka qarxey dalkeena Soomaaliya, Jubbaland waxay ahayd meelihii sida ba´an leysugu gumaadey. Qeexis iyo fasiraad uma baahna wixii guud ahaan Soomaali kaga lumey degaanada Jubbaland ee mood iyo nool ahaa, ee dad iyo duunyo ahaa, ee hub iyo dowladnimo ahaa. Sidaas ayaa dad badan oo wax-garad ah oo isugu jira Soomaali iyo shisheeye ay u qiimeynayeen nabadda ka imaneysa degaankan. Waxaa dadkaas kamid ah Jonathan Stevenson oo ah joornaaliiste u dhashay dalka Mareykanka, kaas oo muddo ka shaqeynayay bariga qaaradda Afrika. Buuggiisa la yiraahdo Losing Mogadishu ee uu qorey 1995-kii wuxuu ku xusey degmooyinka Soomaaliya midda ugu danbeysa oo nabad ay ka imaneyso in ay tahay degmada Kismaayo oo ka tirsan Jubbaland.

Bulshada ku dhaqan Jubbaland waxay muujiyeen in ay yihiin bulsho ilbax ah, bulsho talo-wadaag ah, bulsho u xeydatey in ay naceybkii ku beddesho jaceyl, colaaddii ku beddesho nabad, fowdadii ku beddesho wada-tashi iyo kala danbeyn. Haddii lagu sheekeyn jirey in ay adag-tahay gobollada Jubbaland oo nabad ka timaadda. Waxaanu leenahay, Ishii buktaay ku bikaacso! Arintii adkeyd, waataa laga dhigey mid sahlan. Mahad ha-ka gaadhee, madaxweyne Axmad Maxamad Islaan iyo saaxiibadiisa dowladda la dhisey, waxaa la oran karaa waxay xal u heleen nabarkii ugu adkaa uguna xanuunka badnaa ee Soomaaliya ku yiil. Nabarkaasi waa khilaafka dhex-yiil bulshada ku dhaqan gobollada Jubbaland iyo dhibaatooyinkii ay soo mareen.

Nabaddu waxay ku timaaddaa bulsho isla-qaadatey dhismo maamul, isla-markaana adkeysata kala-danbeynteeda. Shiddo walba halaga soo maro, dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Jubbaland waxaa u amaamudan maamul curdan ah. Kaas oo ku jaan-go´an hannaanka federaalismka ah oo Soomaalidu ay isla garatey iney ku badbaadi karto, kuna soo ceshan karto dowladnimadii ka luntey. Khilaafka iyo maan is-dhaafku waa xeer-nololeed aanan laga talaabi karin. Laakiin waa in ay la heer ahaadaan garaadka suuban iyo caqliga toosan. Haddii uu gobol wax ka dhismo, dadka uu u dhismey waa Soomaali ee maahan cadow soomaaliyeed. Dadka maamulka qabanaya ayaa qudhoodu ah dad u dhashay soomaali ee aanan shisheeye ahayn. Is-cafinta iyo is-qaadashada waxaa ka faa´iidaya labada dhan ee maahan arin ay cidna ka faa´iideyso cidna ay ku khasaareyso. Ooraah ayaa jirta oraneysa, heshiis walba oo adiga kula liita wuxuu ka wanaagsan yahay khilaaf walba oo adiga kula fiican.

Odey Soomaaliyeed ayaa wuxuu su´aaley odeyaal beeshiisa ah oo wuxuu weydiiyey cadka raggu kuna walaaloobo kuna colloobo. Sida sheeko-soomaalida wariso, jawaabtii oo ay garan waayeen ayaa waxaa sheegtey gabar yar oo waxay tiri waa cadka hunguriga ah. Ninka hadalka gabadha saxay oo rumeeyey waa geesigii Soomaaliyeed ee caanka ahaa Garaad Wiil-waal. Qarnigii 20-aad, dowladaha ku dhaqan qaaradda Yurub waxaa dhex-marey laba dagaal-weyne oo saameeyey dunida qaaradeheeda. Waxaa ku dhintey dad ka badan 130 melyan oo qof. Shiddooyinkii ka dhashay colaadahaas, degaan ka badbaadey waa uu yaraa.

Hooggii iyo bi´ii ay dhadhamiyeen dabadeed waa ay isu yimaadeen oo waxay ka tashadeen si ayan mar-danbe uga dhex-dhicin wax colaad ah. Waxay dhigteen xeer ah in leys-cafiyo iyo in hungurigooda ay mideeyaan. Go´aankaasi waa midka maanta ku biya-shubtey in Yurub ay hal dowlad isla-noqdaan. Waxaa taas ku dhismey barlamaanka midowga Yurub, waxaa taas ku dhismey lacagta midka ah (euro) oo Yurub laga isticmaalo, waxaa taas ku dhisan shirkadaha mugga weyn oo dowladaha Yurub ay isla leeyihiin, waxaa taas ku dhismey mu´asasaadka aqoonta oo ay wadaagaan sida (European Space Research and Technology Centre), waxaa taas ku dhismey dano fara badan oo ay dunida uga oofsadaan iyaga oo Yurub mideysan ah.

Haddaan usoo noqdo Jubbaland, maanta maamul ayaa ka dhisan uu madax-weyne ka yahay mudane Axmad Maxamad Islaan. Doorasho ayuu ku yimid, isaguna dowlad ayuu dhisey, dabadeed barlamaan ay beeluhu soo xusheen ayaa la dhisey. Barlamaanka Jubbaland waa midka keliya Soomaaliya ee lagu soo xulay qaab degaan. Sabab kasta oo loo yeelo in la khilaafo barlamaankaas, waxaa ka wanaagsan in la xoojiyo. Haddii ay jirto arrin maanta kuula muuqda in uu guracan yahay, waxaa jirta beri iyo saaddanbe, waxaa jirta bil iyo bilo xiga, waxaa jira sanad iyo sanado ka danbeeya. Taas waxaan ula jeedaa, si ay wax u saxmaan, wakhtigu naguma yara, fursadihii wax lagu sixi lahaana waa kuwo maamulka Jubbaland ee hadda jira uu horeyna u soo dhoweeyey, hadana uu diyaar la yahay. Haddaba yaanan lagu deg-degin burburinta maamul dhisan oo Soomaali leedahay. Ha lagu deg-dego maamul u-dhiska meelaha aanan weli waxba ka jirin. Siyaasadduna weligeed waxay ahayd in la suurtageliyo wixii suurtagal ah. Wixii aanan suurtagal ahaynna haloo daayo in si qabow uu wakhtigu u saxo.

Ugu danbeyn, waxaa jira ooraah oraneysa ilaahey wuxuu dadka siiyey laba gacmood, caqli iyo laab. Xubnahaas oo la wada-heysto ayaa misana dadku ayan isku-si u adeegsan. Qof-baa adeegsada labada gacmood oo keliya. Qofkaasi waa shaqaale. Qof-baa adeegsada labada gacmood iyo caqliga. Qofkaasi waa xirfadle. Qof-baa adeegsada labada gacmood, caqliga iyo laabta. Qofkaasi waa hal-abuure. Barlamaanka Jubbaland oo aan anigu xubinta ka ahay waa gole ay fadhiyaan xubno hal-abuurayaal ah oo shacabkooda iyo dowladdooda ku soo kordhinaya talo wanaagsan iyo tusaale haboon. Waa gole ay fadhiyaan ruug-caddaa xambaarsan duruustii iyo waaya-aragnimadii ay ka dhaxleen dhibaatooyinkii lasoo marey. Waa gole ay fadhiyaan xeel-dheerayaal u taagan iney danaha ummaddooda ay u dhaarteen ku daafacaan af iyo addin, talo iyo tabar, xoog iyo xeelad.

Ilaahow Soomaali Towfiiqda Waafaji !

Qore: Xildhibaan Jubbaland

Maxamed Cali Yuusuf (Alii-Alii)