kala arragti duwanaashaha Doodaha Fadhikudirirka ee DHEXMARA reer Garoowe iyo reer Muqdisho iyo reer Hargaysa “sidee xal waara Soomaaliya lowgu helikaraa ?”

Filed under: Wararka |

Doodaha dhex mara ruuxa reer Muqdishaawigaa iyo ruuxa reer Puntlands ka ah iyo ruuxa reer Soomaalilanderka ah.
politics
Reer Muqdisho ayaa marka la waydiiyo sidee xal waara Soomaaliya lowgu heli karaa waxay markiiba ku jawaabaan.

1) waa in la xoojiyaa Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, oo mushaarka loo kordhiyaa si ay nabadda u sugaan, waana in ay DFS Canshuuraha ka qaadaa dekadaha Boosaaso, iyo Kismaayo iyo hargaysa, haddii kale waa in ay Xildhibaanada Soomaaliland iyo Puntland iyo Jubbaland kayimid dib ugu noqdaan Goobihii ay ka yimaadeen

Reer Garoowe iyaga marka isla su aashaas la waydiiyo waxay yiraahdaan.

1) Waa in Soomaaliya dib u heshiisiin dhab ah loo sameeyo lana isku ceshaa hantidii laka haystay, waa in laga wada hadlo meesha Caasimadda Mustaqbalka u noqonaysa Soomaaliya, waa in Sheegashada Magaca Soomaaliyeed laga wada hadlo, waa in Federaalka la xoojiyo, in Deeqaha waxbarasho iyo deeqaha dalalka Caalamigga ah ka yimaada si cadaalada loo qaybsado.

Reer Soomaaliland Marka isla su aashaas la waydiyo.

1) Waa in Soomaaliland ay madax banaanideeda heshaa, Soomaaliya iyo Somaliland waa in waxwalba loo Qaybsado.

Reer Garoowe arrinka Gooni isu taagga Soomaaliland waxay ka aaminsanyihiin.
In Soomaaliland waxa sheeganayaa ay yihiin Beesha Isaaq, isla Markaana aynan xaq u lahayn Beesha Isaaq in ay sheegato dhulka Beelaha Daarood, haddii ay go’ayaan waa in ay la go’aan Deegaanada ay Degaan Beesha Isaaq.

Reer Soomaaliland waxay waxay ku doodaan Xuduuddii Ingiriisku dhigay waa in aan soo celinaa.

HALKAAS WAXAAD KA ARKAYSAA IN AY XAL WAARA LA DOONAYN EE NIN WALBAA MEESHA U DARAN BOGSIISKEEDA UU AWOODDA SAARAYO, WAA ARRINKA AY SOOMAALIYA LA DEGI LA DAHAY

WAXAA MEESHA KA MAQAN TANASULAADKII WAANA SABABTA KEENTAY IN ILAA MAANTA XAL WAARA SOOMAALIDA LOO WAAYO