Kala Hadalkii DFS Iyo Kala Hadalkii Galmudug ee Weerarkii Bariga Gaalkacyo, iyo Wariyaashada Soomaalida wararkii ay u gudbiyeen BBC VOA Iyo Reaturs

Filed under: Important News,Wararka |

Wasiirka Aminiga Galmudug ayaa sheegay in weerarkii Bariga Gaalkacyo lagu dilay 22 Askari halkaan ka dhegayso.

Hadana warsaxaafadeed uu soosaray Golaha wasiirada maamulka Galmudug ayaa lagu sheegay tirada dhimashada 13, halkaan ka akhri warbixntaas.

Dhanka kale Golaha wasiirada ee DFS oo uu hogaaminayo Raysawalwasaare Carte ayaa Maraykanka ka dalbaday in uu cadeeyo sababta ciidamada dawladda fds ee Galmudug uu diyaaradihiisa ugu laayay halkaan ka akhri warbixintaas

Halka hadana ay maraykanku sheegeen in ay DFS ciidamadeeda waliba kuwa muqdisho ay hawlgalkii lagu weeraray bariga gaalkacyo ciidanka DFS-ka ayba hogaaminayeen oo macluumaadkana soo gudbinayeen.

Dhanka kalena halkaan waxaad ka eegtaa warbixinta ay wariyayaasha Soomaalida u gudbiyeen qaybta englishka ee VOA iyo BBC-da iyo Reuturska.

BBC english
Somalia says US air strike killed civilians not al-Shabab

Voa english
Somalia Demands Explanation for US Airstrike

Dhanka kale wariyaha Magaalada Soomaaligaa ee magaalada Muqdsiho u jooga Reutorska akhri wararka uu isna caalamka u gudbinayo.

Somalia seeks explanation after U.S. ‘friendly fire’ strike

Wariya Soomaaligaa ee idaacadda China ee cctv iyo idaacadda Iran ee presstv isna wuu ka faalooday.

Si kastava ha ahaatee waxaad mooddaa in wariyaasha wararka Soomaaliya ku saabsan caalamka u gudbiyaa ay dhamaantood qaraabo hoose yihiin oo aynan daacad ama dhexdhexaad ka ahayn wararka soomaaliya ku saabsan ee caalamka lala qaybsanyo waxaana wanaagsan in sida wax u jiraan ee xaqiiqdaa ee ay Soomaaliya wax uga dhaceen caalamkana lagu wargaliyo

2 Responses to Kala Hadalkii DFS Iyo Kala Hadalkii Galmudug ee Weerarkii Bariga Gaalkacyo, iyo Wariyaashada Soomaalida wararkii ay u gudbiyeen BBC VOA Iyo Reaturs

  1. Pingback: Kala Hadalkii DFS Iyo Kala Hadalkii Galmudug ee Weerarkii Bariga Gaalkacyo, iyo Wariyaashada Soomaalida wararkii ay u gudbiyeen BBC VOA Iyo Reaturs - Daily Somalia Report