kaligi taliye Faroole oo si sharci daro iyo wadatashi la aana u magacaabay Gudigii Khilaafaadka Doorashooyinka Puntland

Filed under: Wararka |

faroole is-dilay

Horey baa Soomaalidu u tiri Abuur iyo waano kee Horeeyay, Cabdiraxmaan Faroole oo haduu si daacadda shacabka ugu adeegi lahaa xukunka waligiis loo dayn lahaa waliba lagu garab istaagi lahaa, ayaa illaahay wuxuu kamasaxay qaybtii daacad nimadda, qaybtii wadatashiga, qaybtii fahansanaanta war waxaan waa xoolo dad wayne, masayr dadwayne, ma ahan Masayr iyo xoole Faroole.

Markasta Faroole wuxuu rabaa in uu isdabamarin iyo kaligi talin waxku socodsiiyo, waana ciladda iyo aqoon daradda haysata faroole, waana tan sababaysa in laga cayrsho hogaanka puntland.

Runtii hadii Faroole uu daacad, cadaalinimo iyo Maamul wanaag uu la iman lahaa wuxuu helilahaa aqlabiyadda taageeradda shacabka Puntland isagaana ka guulaysan lahaa Musharaxiinta kale.

laakiin sidda Caaqil Amiin Arts uu waa hore Odorasay Faroole isagaa gacabtiisa isku gowraca markasta.

Mar aan saas u fogayn bay ahayd hanaankii Asxaabt badan oo haduu faroole wadadda saxdaa u mari lahaa oo uu latashanlahaa Musharaxiinta iyo mucaaradka, qaadanlahaa taladda shacabka uu runtii si fudud ugu guulaysan lahaa socodsiinta hanaaka asxaabta waliba xisbigiisa aad loo taageeri lahaa, laakiin Faroole talooyinkaas waa diiday wuxuuna kadoorbiday wadadii Maxamed Siyaad barre iyo anniga kaliya tayda dhagaysta.

Hada maanta Faroole arin aad looga digayay buu ku dhawaaqay oo ah in uu si kalinimo ah u magacaabay Gudigii khilaafaadka, taas oo leh cawaaqib xumadeedda iyo murankeedda horseedina karta fawdo cusub iyo in ay Puntland doorasho ka qabsoomi waydo.

Halkaanka akhri xubanah kaligi Taliye Faroole magacaabay
Madaxwayne Faroole ayaa sheegay xubnaha uu magacaabay inay yihiin sideed xubnood oo kala ah
1, Eng, Yuusuf Abshir Cadami (Gudoomiye)

2, Cismaan guureeye Kaarshe Xubin

3,Eng, Maxamuud Axmed Xasan Xubin

4,Maxamed Cabdulaahi Faarax Xubin

5,Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin

6, Caaqil Abshir Cabdiraxman Caraale (Dhegcas) Xubin

7,Caaqil Siciid Xasan Xaaji yuusuf (Warabecade) Xubin

8,Maxamed Cabduqaadir Cismaan ( Xoghayn)