Kee Wanaagsan Madaxwayne Dabadhilif U Ah, Maraykan, Ama Ruush, Ama China

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

puppet-dictator

Waxaa calaamad su’aal lagaliyay,  in wadamada Soo koraya aynan lahayn awood ay kaligood meel ugu istaagaan, maadaama dunidii dhanka dhaqaalaha iyo aqoonta aad lowgu kala horumaray.

 

Hadaba bal aan is barbardhigno dabadhilifyada dalalka soo koraya xukuma.

Madaxwayne xukuma mid kamida dalalka soo koraya oo daba dhilif u ah mid kamida 3da dal ee dunida ugu xoogga wayn ee Maraykan, Russia iyo China.

Tusaale haddii uu dalka China aad u maal gashado mid kamida dalalka soo koraya, wuxuu China ku khasban yahay in siyaasadda dalkaas gaysto madaxwayne isaga ka amar qaata si uu China u waardiyaysto hantidiisii uu dalkaas soo koraya ku maal gashaday.

Sidoo kale dalalka reer galbeedka dalka ay maal gashaadaan waxay isku dayaan in ay u dhiibtaan nin iyaga ka amar qaata si ay hantidooda u waardiyaystaan, waxay kaloo isku dayaan in ay dalka nabadgalyadiisa gacantooda ku waardiyaystaan oo xitaa dhiibaan dhaqaalaha ama mushaarka askarta si ay u helaan askar iyaga ka amar qaadata.

 

Hadaba su’aasha is waydiinta mudan ayaa ha,  ayamaa dalalkaan ugu wanaagsan in dalka yar ee soo korayaa hoos yimaado.

Hadaba Dalka Maraykanka oo hadda horbooda dalalka reer galbeedka waxay ku wanaagsan yihiin, nidaamka ay dalalkooda ku maamulaan waa nidaam dimoqraadiyad asxaab badan, oo bil xaqiiqiyan aad u wanaagsan.

laakiin dalalka Ruushka iyo China ayaa dalalkooda ku maamula nidaamka kaligi talisnimada.

Hase yeeshee Maraykanku dalalka Soo koraya wax warshado iyo kaabayaal dhaqaale uma dhiso, laakiin Ruushka iyo China waxay u dhisaan kaabayaal dhaqaale iyo warshado.

Hadaba waxaa la xaqiijiyay madaxwaynaha dabadhilifkaa ee Ruushka Iyo China hoos taga in uu 100 jeer ka kaligi talisan yahay Madaxwaynaha dabadhilifka u ah reer galbeedka.

 

Waxaana la xaqiijiyay cawaaqibxumada uu reebo dabadhilif kaligi taliye ah mid baaxad wayn oo aan laga soo kaban.

 

Hase yeeshee 3da dalba waxay ka shaqeeyaan danahooda ee cid danaha dalalka soo koraya u danaynaysa maba jirto.

Waxaanad mooddaa jug jug meeshaada joog, haba haraati darnaado dabadhilifka kalige taliyahaa.

Arrinkaan waxay u baahantahay in buuggaag laga qoro runtii.

Waxaanan illaa hadda lahayn dal yar oo soo koroya oo uunan xukumin dabadhilf mid muuqda iyo mid qarsoonba.

 

Puntlandobserver desk

One Response to Kee Wanaagsan Madaxwayne Dabadhilif U Ah, Maraykan, Ama Ruush, Ama China