Kenya oo ku hanjabtay ciidamadeeda inay kala baxeyso Somaliya

Filed under: Wararka |

Dowladda Kenya ayaa ku hanjabtay in ciidankeeda ka jooga Soomaaliya ay kala baxayso hadii aysan helin xuquuqda ay ku leeyihiin maalgeliyaasha Ciidanka Midwga Afrika ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka qeyb galay kulan ayaa sheegay in dowladda kenya ay ciidamo badan ka joogaan Soomaaliya ,islamarkaana ay ka qeyb qateen nabadeynta iyo sidoo kale la dagaalanka Shabaab ,sidaas darteedna ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya marar qaar aysan helin xuquuqda ay helaan ciidanka Midowga Afrika ee ka socda dalalka Afrikan ee ku sugan dalka Somaaliya.
Madaxweynaha dowladda Kenya ayaa sheegay in ciidanka dowladda Kenya ay ka walaacsan yihiin mushaar dhimistii lagu sameeyey ciidanka Midowga Afrika tasoo aheyd 20% laga jaray lacagtii la siin jiray ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.
Xisbiga mucaaradka ah dalka Kenya iyo sidoo kale qaar ka mid ah siyaasiinta dalka Kenya ayaa dhaliilsan joogitaanka ciidanka Kenya gudaha dalka Soomaaliya.

ciidanka qeybta ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka socda dalka Kenya ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 3,664 oo askari kuwaasoo badan kood jooga gobolada Koofurta Soomaaliya,gaar ahaan gobolada jubbooyinka.

SR=UvTV

One Response to Kenya oo ku hanjabtay ciidamadeeda inay kala baxeyso Somaliya

  1. Pingback: Kenya oo ku hanjabtay ciidamadeeda inay kala baxeyso Somaliya - Daily Somalia Report