Kenya oo xirxiraysa warbaahinta Soomaalidda siiba (waa maxaý sababtu faahfaahin)

Filed under: Wararka |

press-freedom

Kenya ayaa maalmahan usoo jeensatay in ay Xirxidho Joornaaliistayaasha iyo saxaafadda Afka Soomaaliga kubaxa.
Haddaba si kooban baan ugu eegaynaa sababta.

Soomaaliddu aad iyo aad bay uga ilbaxsanyihiin shacabka Kenya, Shacabka Soomaalidda waa shacab noloshoodii Xoriyad kusoo koray, Shacabka Soomaalidda waa shacab aan marnaba qaadan Cadaalad darro, waanna shacab aan lahayn kala sarayn iyo is adoonsi.

Laakiin waxaa kadawan shacabka Kenyaatigga oo ahaa kuwo waligood la gumaysan jiray, sixina uu uga dhaqangalay xiligii gumaystuhu haystay.

Saxaafadda oo ah halka ugu muhimsan ee lagala dagaalamo sahcabka, marka shacab larabo in la marin habaabiyo, ayaan marna waxaan usooroobin shacabka Kenya in ay Saxaafad madaxbanaan hellaan, waanna dhibka ugu wayn ee haysta shacabka Kenya.

Shacabka Kenya ayaa intii aanay Soomaalidu usoo haajirin Kenya waxaa sixun u adoonsan jiray Inyar oo farakutiris ah oo Hindi ah, laakiin adoonsigaas waxaa ka dulqaaday Qaxootigii Soomaalidda ee dalka yimid markii ay bareen shacabka Kenya qaabka loo ganacsado, maadaama ay awal Hindidu haysteen Ganacsigii, isla markaana ninka Ganacsigga haysta uu marwalba ku gumaysanayo.

Dhibaatadda kale oo shacabka Kenya haysata waa cadaaladad daro, sidda Dhulkii oo ay shakhsiyaad kooban intiisa badan iska ooteen.
Xukunka wadanka oo ay waligood iska haystaan laba Qabiil oo markasta iyagu noqonaya Madaxwayne.

Hadaba Soomaalidda oo ah dadka marwalba shacabkaas indhaha u fura ayaa hadda moodaa in ay barayaaan qaabka Saxaafadda looga dhibto aragtidda guud, taas oo ka caraysiisay kuwii shacabka marin habaabin jiray, hadanna raba in ay ka hortagaan ayaa mar qura ku yaacay Joornaalistayaashii Soomaalidda iyagoo sharuuda adag hordhigaya cidii rabta in ay saxaafadda kusoo biirto.

Fadlan cidii akhbaar dheeriya haysa oo arinkan kusaabsan nagala soo xiriir
puntlandobserver@gmail.com