Khudbaddii Madaxwayne Gaas shirka wadatashiga (Dhegeyso)

Filed under: Important News,Wararka |

Salaan kadib Madaxwayne Gaas wuxuu ku billaabay Khudbad aad u cuslayd: Maxaa innoo qabsoomay 17 sano kadib Guud ahaan Soomaali Gaar ahaan reer Puntland.
Hadaan dib u jalleecno sooyaalka taariikhda Soomaalida, bulshada Soomaalida waxay ahayd bulsho reer Guuraa oo aan xuduud kala lahayn kuna dhisan hab qofwalba oo isku dabarayo, calashaan malahayn nidaam Bulshadeed.

Umaddii sidaa u noolayd oo lahayd hab dhaqan ku salaysan qofka iyo qoskiisa waxaa ku soo duulay Gumayste.
Gumaystihii waxay kaabuureen hab dawliya iyo xudooddo, inkastoo Gumaystihii abuuray nidaam dawliyaw waxaa ka badnaa tacadiyadii uu u gaystay dhaqankii suubaanaaa ee Soomaalida.

Waxaana ka dhashay dhaqdhaqaaq gumaystaha looga soo horjeedo sida kii Sayidka iyo SYL oo markaa Gumaystihii dalka looga xoreeyay.
muddo sagaal sano ah waxaa Soomaaliya ka talinaysay xukuumad rayid ah oo lasoo doortay, dawladdaas curdankaa waxay abuurtay dawlad leh haykaládii dawladda “good Governence instititions”, Dalkana waxaa maamulayay madax wanaagsan oo leh sumad dal jacayl iyo mid dunwanaag ayaa dalka maamulaysay kuwaas oo Africa u noqday tusaale.

Waxay 9-kaa sano makhraati katahay in ay Soomaalidu leedahay dad wanaagsan oo noqon kara Madax wanaagsan.

Hoos ka dhegeyso Khudbadda oo dhamaystiran

One Response to Khudbaddii Madaxwayne Gaas shirka wadatashiga (Dhegeyso)