Khudbadaha Muuse Biixi Iyo Cabdiwali Gaas

Filed under: Important News,Wararka |

dunida horumartay, waxaa ka jira waax dhan oo qaabilsan diyaarinta iyo tifitiridda khudbadaha Madaxwaynaha.
Madaxwayne marka uu hadlayo wuxuu ku hadlayaa afka dhammaan inta uu madaxda u yahay, waxaana loo xulaa dad khuburo ah oo tifatir ku sameeya khudbadihiisa.

-Hadda hadaan soomaali nahay, gaar ahaan jiilka ka wayn 55 sano, waxaa wanaagsan in ay ka fakaraan mustaqbalka jiilka da’da yar maadaama ruuxa 55 sano dhaafay aynan wax badan usii dhimanayn kunoolaashaha aduunka.

Isku soo duub xitaa haddii uu dagaal dhaco, ruuxa masuulkaa ee madaxdaa waa in uu maanka ku hayaa in ay saarantahay masuuliyad wadaradeed ee Soomaali oo dhan, ama dhammaan hooyooyinka Soomaaliyeed oo aan qabiilba lahayn ama haweenka Soomaaliyeed oo aan iyagu qabiil ka tirsanayn ee reerka ay u dhaxdo iyo caruurteeda lowgu abtiriyo.

Marka waxaa la doonayaa ninka ay masuuliyad saarantahay (Madaxwayne) in uu marwalba u damqadaa innamada Soomaalidaa ee xabadda nooga dhintay ee labada dhan ee aanu u damqan oo qura inamada dhankiisa ah.

Erayga Madaxwaynaha afkiisa kasoo baxaya qiima badan buu xambaarsanyahay, waxaana habboon in ay xigmad arragti dheerleh dusha ka huwantahay, markastana uu masuuliyad iska saaro Soomaali oo idil.

Illaahaw wadada toosan nasaar.
Illaahow qalbiga Soomaali midee.
Illaahow cafis baan ku waydiisanaynaa.
Illaahow nimcada aad Soomaali sida goonidaa usiisay waa kaaga shukrinaynaa.
Ducada rabi badiya iyo toobad keenka.

Nabadana ruuxwalbow ka shaqee, gaar ahaan bisha ramadaanka.
Puntlandobserver desk