Khudbaddii Farmaajo ee Shirka Dib U Heshiisiinta Waxay Cadaynaysaa Qorshe La’aan Siyaasadeed (Fallanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Khudbadaha Madaxda waxaa laga eeggaa in ay ku dhexjiraan hadal qorshe cad leh, waxaa laga eeggaa hadalka Madaxwaynaha in uu leeyahay wax la taaban karo, sida qorshe dawladeed qodobaysan oo cad.

Haddii ay dawladda niyad ka tahay horumarka dalka waa in uu jiraa hadaf cad oo qodobaysan oo qorshaysan oo xiliyaysan oo lasoo qorsheeyay.
Sida Dawladdu arrimaha dastuurka siyaasadaasay ka leedahay oo xxiliyadaas ayaa hawsha lagu billaabayaa xiliyadaasna waa la dhamaynayaa.

Cadaaladda qorshahaas ayaan ka leenahay.

Wixii intaas ka baxsan waa hadal caadifadeed iyo fadhi ku dirir, iyo qowda maqashii waxna ha u qaban.

Hadalada Farmaajo waa kuwa fadhi ku dirirka laakiin haba yaraatee wax qorshe dawladeed oo cad oo qoran meelna ugama yaalaan.

Waxaa la isku raacay in farmaajo yahay nin qalbi fiican oo daacada, hase yeeshee waxaa ka maqan aqoon iyo qorshe siyaasadeed.

Sidaas si le’eg Raysalwasaare Khayre isna waa noocaas hadaladiisu waxba kama duwana kuwa fadhi ku dirirka.

3 Responses to Khudbaddii Farmaajo ee Shirka Dib U Heshiisiinta Waxay Cadaynaysaa Qorshe La’aan Siyaasadeed (Fallanqayn)