Khudbaddii Madaxwayne Farmaajo ee Qaahira iyo Erayo aad usoo Jiitay Shacabka Soomaalidaa ee Qaran la’aantu Ku Dhacday Mudada 30-ka Sano

Filed under: Important News,Wararka |

Inkastoo aqoonta dawladeed iyo fahansananaanta nidaamka dawladeed ee aduunka ka jira aynan wali fahansanayn gabi siyaasiyiinta Soomaalida, ayaa hadana Madaxwayne Farmaajo waxaa ka muuqata daacadnimo farabadan iyo erayo ay aad usoo dhaweeyeen Soomaalidu runtiina ka tarjumaya baahida ay Soomaalidu u qabto hogaan isagii oranaya erayadii ka buuxay qalbiga shacabka Soomaalida.
Erayadaas waxaa ka mida siyaasiyiinta jeebkooda kaliya ka fakara oo waxwalba jeebka ka buuxsada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa yiri Xildhibaanow ceel ma qoday deegaankaagii ceel maka qoday——–> waa sax oo xildhibaanku waa ninkii deegaankiisa wakiilka uga ahaa DFS, balse dhanka kalena waa sharci dajiyihii oo hadaanu jirrin sharcigii ay Dawlad Gobaleedyada iyo Dawladda dhexe ku wada shaqayn lahaayeen sidee horta ceel u qodayaa.

Lacagta ceelka lagu qodayo xaggee ka imanaysaa haddii uunan xildhibaanku canshuur kasoo uruurin deegaanka uu wakiilka ka yahay, mise waa xoogaaga caalamka laga soo baryo un waxa lagu xisaabtamayo.
Waxaana kaaga sii daran Xildhibaanada hadda DFS waa xildhibaano 80% aan tagi karrin deegaanada ay sheeganayaan in ay wakiil ka yihiin, ama aanuba jirrin deegaan uu wakiil kayahay oo waa nooca loo yaqaan Xilhibaanka Hawada –>

Isku soo duub, waxaan daalacanaynaa qalbi wanaagga Madaxwayne farmaajo, aqoontu iyadaa iska iman doonta laakiin waxaa ugu wanaagsan niyad wanaagga iyo daacadnimada, waana kuwa ka buuxa erayada madaxwayne Farmaajo illaahay ha u siyaadsho.