Kooxihii Ka Shaqayn Jiray Burburinta Soomaaliya Oo Weerar 5 Geesooda Ku Qaaday Burburinta Doorashada 2016 Iyo Khatar Ku Wajahan In Soomaaliya Danbe La wayn Doono

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa xoogaysanaya guulaha ay gaareen kooxihii kasoo horjeeday in ay mira dhasho doorashada 2016, kooxahaas oo isugu jira ajaanib iyo Soomaali.

Kooxaha Soomaalidaa ee ka shaqaynayay burburinta qaran Soomaaliyeed wixii ka danbeeyay 1990 ayaa waxaa soo wajahay baryahaan danbe wallaac ah in ay mira dhasho doorashada 2016.

Hadaba kooxahan Soomaalidaa kuwooda waliba kusoo barbaaray dawlad la’aanta taakula ballaaran ka hellay gacmo shisheeye ayaa waxaa soo wajahay cabsi ay xitaa la seexan waayeen, waxaana socday baryahaan danbe iskaashi ka dhexeeyay kooxihii ajnabiga ahaa ee malaayiinta lacagtaa ay uga soo baxday sidii Soomaalida loo burburin lahaa, iyo kooxihii Soomaalida ahaa ee ku naaxay ka ganacsiga burburinta qaran Soomaaliyeed.

Dilaal Galaydh oo awalba si dadban kooxahan ula shaqaysanayay ayaa dhaliyay goosha ugu habboon.
Waxaanad arkaysaa sida kooxaha kasoo horjeeda qaran Soomaaliyeed ee reer Muqdisho ay ugu farxeen wadahadalkii Galaydh iyo Siilaanyo.

Waxaase aynan kooxahan xumaanta isku kaashanaya aynan ogayn in ay xiliyada danbe marka ay dhamaato lacagaha ay bixinayaan gacmaha shisheeye si qaran Soomaaliyeed oo danbe aan loo arrag, in ay noqon doonaan kuwa ka shalaayi doona aakhirka, waayo qof walba oo xumaan iyo xaqdaro wax ku raadiya meel xun buu ku danbeeyaa.

Waxaana xaqiiqa in ay Soomaali isla burburidoonto oo aynan kala hari doonin.

Haddii Soomaaliland go’do, waxaan shaki ku jirin in ay Puntland iyana gooni u go’doonto, oo markaas Jubbaland gooni u go’doonto, Koonfurgalbeedna gooni u go’doonto.

Habka ay Soomaaliland la rabaan kooxaha raba Soomaalida in ay burbiriyaan isla markaana gooni isutaagga ugu raadinayaan Soomaaliland waa hannaan la doonayo in lagu xalaalaysto deegaanada beel kamida beelaha Soomaalida (Beesha Daarood), oo inta la qaybqaybsho qaybkasta la hoos geeyo qolo kale.

Qayb la hoos geeyo Hargaysa
Qayb Ethiopia
Qayb Muqdisho
Qayb Kenya
Waana arrin sii fududayn doona bubrbur cusub oo aan xal loo hellin iyo dagaal sokeeye oo cusub.

Waana sababta ay dalalka burburinta Soomaalida ka shaqeeya ay malaayiinta doolar ugu dhiibayaan gooni isutaagga Soomaaliland, waxaana iyana ka midaysan arrinkaas beelaha Muqdisho iyo Hargaysa oo u arki sidaas xal wanaagsan laakiin aan talada ku darsan cawaaqib xumada ay keeni doonto aakhirka.

One Response to Kooxihii Ka Shaqayn Jiray Burburinta Soomaaliya Oo Weerar 5 Geesooda Ku Qaaday Burburinta Doorashada 2016 Iyo Khatar Ku Wajahan In Soomaaliya Danbe La wayn Doono

  1. Pingback: Kooxihii Ka Shaqayn Jiray Burburinta Soomaaliya Oo Weerar 5 Geesooda Ku Qaaday Burburinta Doorashada 2016 Iyo Khatar Ku Wajahan In Soomaaliya Danbe La wayn Doono - Daily Somalia Report