Kulan-aqooneed ay iska kaashadeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Haweenka Gobolka Banaadir

Filed under: Important News,Wararka |


Kulan-aqooneed aad u ballaaran oo lagu baranayay daryeelka af-Soomaaliga iyo kaalinta ay hooyaddu  ka qaadan karto horumarintaafka  ayaa maanta lagu qabtay  xarunta Aqalka Dawladda Hoose ee Magaalada Muqdisho.
 
Madal-aqooneeddaasi oo  si wadajir ah ay u soo qaban-qaabiyeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo ururka Haweenka G/Banaadir, fikraddiisana ay lahayd Akadeemiyadu,  ayaa furitaankeedii waxaa ka soo qaybgaley Madax ka kala socotey Dawaladda Federaalka Soomaaliya,  Maamulka Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin mataleysey ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.
 
Munaasabaddii furitaanka siminaarkaasi  ayaa hadal uu halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay abaabulka iyo qabashada saminaarkaasi, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Maamulkiisa ay ka go’an  tahay daryeelka iyo u hiillinta afka Soomaaliga, isagoo u soo jeediyay haweenka G/Banaadir inay noqdaan bud dhigayaashii afka Soomaaliga isla markaana ay Dadaal u galaan sidii loo badbadaadin lahaa afkeena hodonka ah.
 
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleeddka AfSoomaaliga ahna asaasihii iyo Guddoomiyihii ugu horreeyey Naadiga Somali PEN ee Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed Dr. Maxamd Daahir Afrax oo isna munaasabaddaasi ka hadlay ayaa ka xog-warramay xaaladda uu haatan ku sugan yahay Af-Soomaaligau. wuxuuna  ka digay halis soo food-saartay AfSoomaaliga, isagoo ku nuux nuuxsadey in  la iska kaashado sdii looga hortagi lahaa khatar walba oo ku soo fool leh afka hooyo ee aanu leenahay.

Dr. Maxamed D. Afrax Guddoomiyaha AGA, Duqa Muqdisho iyo Xildh. Maryan cariif

Duqa magaalada Muqdisho

madashii kulan-aqooneedka

Xildh. maryan Cariif

One Response to Kulan-aqooneed ay iska kaashadeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Haweenka Gobolka Banaadir

  1. Pingback: Kulan-aqooneed ay iska kaashadeen Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) iyo Haweenka Gobolka Banaadir - Daily Somalia Report