Kylan-cilmiyeed Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu ku Qabatay Jaamacadda PSU

Filed under: Important News,Wararka |

Kylan-cilmiyeed Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu ku Qabatay Jaamacadda PSU

Shir-cilmiyeed muhiim ah oo ku saabsan dhaqanka Soomaalida iyo hal-abuurkiisa ayaa labadii beri ee u dambeeyey wuxuu ka socdey magaalada Garoowe. Kulan-cilmiyeedlkaas oo ay qabatay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga oo kaashanaysa Jaamacadda PSU waxaa lagu qabtay xarunta Jaamacaddaasi ku leedahay magaalada Garoowe, waxaana saldhig u ahayd muxaadarad ballaaran oo hal-ku-dheggeedu ahaa’ Mugdi-ka-saarka Eray-bixinta Afka iyo Suugaanta Soomaalida’. Muxaadaraddaas oo si weyn looga faai’deystey waxaa soo jeediyey Qoraa sare Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga. Kulan-cilmiyeedka waxa ka qaybqaatay boqollaal ka mid ah ardayda iyo macallimiinta jaamacadaha ka hawlgala guud ahaan Puntland gaar ahaanna Garoowe. Waxaa kaloo ka qayb-qaatay aqoonyahanno kale, masuuliinta waxbarashada, dhallinyarada danaysa dhaqanka iyo hal-abuurka, bahda warbaahinta iyo marti kale.

Kulanka waxaa furay Guddoomiyaha Jaamacadda PSU Mudane Maxamuud Shiikh Xaamud. Kalmaddiisii furitaanka Guddoomiyuhu wuxuu si diirran ugu soo dhaweeyey Dr. Maxamed Daahir Afrax asagoo uga mahadceliyey waqtigiisa qaaliga ah ee uu u soo huray Jaamacadda PSU iyo kaalinta hormuudnimo ee uu kaga jiro horumarinta dhaqanka, afka hooyo iyo aqoonta guud. Intaa ka dib Guddoomiye Xaamud wuxuu si kooban uga warramay Jaamacadda PSU iyo iskaashiga ka dhexeeya iyada iyo Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga. Sidoo kale wuxuu iftiimiyey ujeeddada kulan-cilmiyeedka, asagoo hoosta ka xarriiqay qiimaha weyn ee ay leeyihiin kulannada noocaan ah.

Qoraa Sare Maxamed Daahir Afrax, muxaadaraddiisa oo ahayd qoraal-cilmiyeed baaxad weyn wuxuu ku iftiimiyey qiimaha ay ku fadhiyaan aqoonta, dhaqanka, afka hooyo iyo hal-abuurka fan iyo suugaaneed, kuwaas oo uu ku tilmaamay furayaasha horumarka iyo kaabayaasha ilbaxnimada. Ka dib wuxuu tilmaamay dhibaatooyinka afartaas arrimood ee muhiimka ah ka soo gaarey qaran-jabkii Soomaaliya iyo sida loogu baahanyahay in la badbaadiyo horena loo mariyo.Wuxuu carrabka ku adkeeyey waajibka arrintaas ka saaran masuuliinta dawladda, kuwa xarumaha waxbarashada, shirkadaha ganacsiga iyo dhammaan waxgaradka. Ubucda muxaadaradda Dr. Afrax wuxuu ardayda ku baray eray-bixinta cilmiyaysan ee ku aaddan noocyada kala duwan ee dhaqanka, hal-abuurka, suugaanta, fanka iwm, ka dibna waxaa loo gudbey su’aalo xiisa leh iyo feker-waraag.

 

afrax-garoowe afrax-garoowe2 afrax-garoowe3 afrax-garoowe4 afrax-garoowe5

2 Responses to Kylan-cilmiyeed Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu ku Qabatay Jaamacadda PSU

  1. Pingback: Kylan-cilmiyeed Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu ku Qabatay Jaamacadda PSU - Daily Somalia Report