Laascaanood: Sheekh Mustafe: Soomaaliya dhibka Gacmo Shisheeye Kuma Hayaan ee Soomaali Baa Dhibka Isku Haysa (Daawo+ qormo gaaban)

Filed under: MAANSOOYINKA,Wararka |

Shiikha ay Bulshada Soomaalida ugu jecelyihiin mushaa-ikhda Soomaalida Sheekh Mustafe oo Laascaanod maalmahaan ku sugnaa ayay dhalinyaradii waydiiyeen su’aal in Soomaalida ay Gacmo Shisheeye faraha kula jiraan oo kala qaybinayaan.

Sh Mustafe ayaa ku jawaabay jawaab xaqiiq ah waliba fudud sida 2+2=4, waana jawaab aan la qabno oo marwalba aan ku faafino warbaahinta P/O.
Sh Mustafe wuxuu yiri dunidu masaalix siyaasi ay leedahay, dalwalbaana wuu illaashadaa masaalixdiisa siyaasadeed, laakiin Soomaali iyagaa illaashan waayay masalixdooda siyaasadeed.

Tusaale lamida talada sh Mustafe
Marka kubadda la ciyaarayo, haddii gool lagaa dhaliyo, ma waxaad ku mashquulaysaa ninka kubadda ila ciyaaraya muxuu goosha iiga dhaliyay, mise waxaad dib ugu noqonaysaa kooxihii kubadda kuu ciyaarayay oo sababay in goosha lagaa dhaliyo, hadiise kooxdii kubadda kuu ciyaaraysay ama magaca qaranka kubadda ku ciyaaray ay gam iska dhigaan oo islaayaan, eeda ma waxaa leh ninkii kubadda kula ciyaarayay oo kubaddii kaa dhaliyay mise kooxdii kubadda kuu ciyaaraysay oo hawshoodii gabay.

Sh Mustafe wuxuu yiri waa in ay Soomaalidu dib isugu noqdaan oo dhaqanka badalaan oo ay shaqo badan qabtaan ee aynan maantoo dhan sidii carurrtii ku mashquulin dal hebel baa goosha naga dhaliyay, dabcan dalwalbaa masaalixdiisuu illaashanayaa.

Tusaale kale
Aduunka marka ay shacab walba doortaan siyaasiyiin oo ay masiirka dalkooda ku aaminaan Siyaasiyaasiyiintaas waa sida koox kubadeed, aduunkuna nin walba dantiisuu illaashanayaa, ninka dantiisa illaashan waaya waa laga badinayaa, mana ahan in aad umadaha xag xagato marka dheesha lagaa badiyo.

Maxayse madaxdu u xulan waayaan raggii ku habboonaa in ay wax qabtaan
Waxaa inta badan ay Madaxda Soomaalidaa iska illaashaan dadka waxgaradkoo, waayo madaxda Soomaalida ee hadda waa kaligi taliyayaal dahsoon, ninka kaligi taliyahaa waxaa lagu yaqaan wuxuu iska illaashaa ninka wax fahmaya

Soomaalidu waa in ay dhaqanka badalaaan oo kooxda siyaasadda ay u dhiibayaaan ay noqdaan kuwa ugu kartoda badan, mida kale waa in ay ka gudbaan nidaamka hal ruux waxwalba lagu aaminayo akhri maqaalkaan
Xukun Boobka Madaxda Soomaalida iyo doorka ay ku leedahay in aan dib loo hanan Qaran Soomaaliyeed iyo Hanaan maamul wanaag (Qaybta 2aad mar labaad)

Waa caqabadda koobaad ee Soomaalida haysata in ay waxwalba hal ruux ka sugaan, halkii waxwalba sharci lagu aslayn lahaa laakiin hadda sharciba ma jiro ee ruuxa madaxwaynaha noqda ayaa waxwalba go’aan ka gaaraya, waana caqabadda ugu baaxadda wayn ee hadda laga gudbi la’yahay markaan eegay caqabadaha jira.

Waxaanad mooddaa in ay jiraan kooxo soomaali iyo beesha caalamka isugu jira oo raba in Siyaasadda uu u maamulo halkaas ruux si ay si fudud isaga un ugala xaajoodaan waxa ay rabaan.

Waxaanad mooddaa madaxwaynaha la doortaa in ay isaga sidaas ugu badiso oo aannu doonayn in uu talada shacabka ku wareejiyo isaguna noqdo ninkii dastuurka ka waardiyaynay kuwa sida qaldan raba in ay wax maldahdaan.

Daawo talada sh Mustafe waa xigmad dhamaystiran ninkii famaya.
http://www.puntlandobserver.com/xukun-boobka-madaxda-soomaalida-iyo-doorka-ay-ku-leedahay-in-aan-dib-loo-hanan-qaran-soomaaliyeed-iyo-hanaan-maamul-wanaag-qaybta-2aad-mar-labaad/

One Response to Laascaanood: Sheekh Mustafe: Soomaaliya dhibka Gacmo Shisheeye Kuma Hayaan ee Soomaali Baa Dhibka Isku Haysa (Daawo+ qormo gaaban)

  1. Pingback: Laascaanood: Sheekh Mustafe: Soomaaliya dhibka Gacmo Shisheeye Kuma Hayaan ee Soomaali Baa Dhibka Isku Haysa (Daawo+ qormo gaaban) - Daily Somalia Report