Laba Beelood oo Turkiga isku waraysanaya (Qiso Qosol badan)

Filed under: Wararka |

Siilaanyo-culusow
Xigasho: Allsanaag:

Wada hadalka ka dhacaya dalka Turkiga ee dhex maraya labada beelood ee kala degan Hargeysa iyo Xamar ayaa waxaa iska wareestay labada nin ee kala ah Deeq iyo Daryeel. Sheekadiina sidan ayey u dhacday:

Deeq: Wadahadaladii Soomaaliland iyo Soomaaliya u dhaxeeyay ee Turkiga ka dhacayey maxaad war ka heesaa?

Daryeel: War ninyahow inaad intaa dhaanto ayaan kuu qabey, waa maxay Soomaaliland iyo Soomaaliya? War meesha laba beelood ayaa isku wareesanaya.

Deeq: War maxaa tiri? Labo beelood aa!

Daryeel: War meesha Isaaq oo dhul dad sheeganaya iyo beesha Hawiye qaar kamid ah oo ku gacan siinaya boobka ayaa ka shiraya sidii beesha Hawiye ay aqoonsi u siin laheed beesha Isaaq.

Deeq: Oo beel beel kale aqoonsi ma siin kartaa iyadoon loo baahneen Qaramada Midoobey?

Daryeel: Haa, illeen meesha ruwaayad baa lagu hayaa, aqoonsigii la isku siiyo ruwaayad dhexdeedana, waa mid meesha lagu ruwaayadeeyey aan soo dhaafeen.

Deeq: Cajiib, ninyahow labadan reer naceybkii Daarood inta uu ka batay ayey waxba kala garan la’yihiin, Daaroodna waa awood wadanka la deggan, marka meey xaqiiqada waajahaan oo ka fakaraan sidii dalka nabad loogu wada noolaan lahaa?

Daryeel: Labadaba xaq darro ayey ku heshiiyeen tan iyo 1980kii, marka wax badsada ayey is lahaayeen, laakiin doontii ayaa la degtay. Teeda kale waxeysan aqoon sida wax loo bisleesto iyadoo loo marayo waddo macquul ah. Xaqiiqadana waxa weeye qofkii wax maleega isagaa miraheeda guranaya.

Deeq: War ninyahow waxaa jira oday Shiinees ah oo daweeya qabiilada qabiil kale cadaawad iyo cuqdad nafsi u qaada, marka miyeysan kula aheen in labadan reer loo dirro halkaas si loogu soo dabiibo?

Daryeel: Shiinees aa! War ninyahow dad quraankii illaahay wax ku qaadan waayey oo u hoggaansami waayey u maleen maayo oday Shiinees ah iyo mid Ruush ah iney ku dawoowayaan dadkan, laakiin waxaan hubaal ah in labaduba ay dan u miyirsan doonaan marka sheekooyinka raqiiska ah ay socon waayaan.

Allsanaag.com