Labada Xubnood ee Aqal-Sare Ma Puntland baa Lowgu daray Mise Somaliland, Xageese Dhibku Ka Yimid, Muxuuse C/Kariin Guuleed Ka yiri (Qormo gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

Si aad si fiican u fahanto hanaanka aqalka Sare wax lagu qaybshay akhri maqaalkan aan shalay daabacnay Dooda Xubnaha Aqalka Sare oo Wali Taagan iyo Salaadiintii Soomaaliland ee Muqdisho Oo Ka Biya diiday (Qormo Gaaban)

Hadaba sida aan maqaalka kore ku sheegnay waxaa la go’aansaday in xubnaha aqalka sare lagu jaangooyo 18-kii Gobal, balse hadana waxaa lasoo jeediyay in habka maamul Gobaleedyada lagu jaangooyo iyadoo la eegayo 18-kii Gobol.

Wuxuuna dhibku ka yimid, Maamul Gobaleedka Gal-Mudug oo ka kooban Galgaduud iyo Mudug Barkii, iyo Shabeelada dhexe iyo Hiiraan oo isna laba Gobol ka kooban, iyo iyadoo layiri maamul Gobaleed-kasta ha la siiyo 8 xubnood, taasoo meesha ka saaraysa hanaankii ahaa in 18-kii gobol lagu jaangooyo, maadaama aynan Maamul-Gobaleedyadu isku baaxad ahayn.

Waxaana meesha ka baxay xubnihii Gobalka Banaadir oo la raacshauy Galmudug iyo Shabeelada dhexe iyo Hiiraan, iyo waliba Jubbalnad, Somaliland iyo Koonfurgalbeed oo min xubin gabaladooda laga soo jaray la raacshay Galmudug iyo Hiiraan/Shabeelada dhexe.

Hadaba sida aad shalay saxaafadda ka daawanayseen waxaa aad uga biya diiday beelaha Dirwaqooyi oo marka aad eegtid Gobalada ay Sooaaliya ka degaan marka la eego, heli lahaa illaa 10 xubnood oo aqalka sare ah, balse hanaankii madasha loo qoondeeyay 8 xubnood taasi oo ay ka cawdeen maadaama ay horey Soomaali cadaalad daro uga tabanayeen.

Hadaba waxaad mooddaa in 2 xubnood beelaha dir Waqooyi lowgu daray, balse labadii xubood ee Dhulbahante iyo Warsangali ee awal ku jiray 11-xubnod ee Soomaaliland, hada dhanka Puntland lasoo raacshay.

Waxaana durba arrinkaas ka biya diiday Cabdikariin Guuleed oo aan malaha sidaas lowgu sharixin, isla markaana aan loo fahansiin in dhibkan uu ka yimid xubnihii dheeriga ahaa ee ay Galmudug horay u qaadatay.

Isku soo duub labadan xubnood iyo laba xubnood iyo labada xubnood ee banaadir lowgu darayba waa kuwii ay Galmudug markii hore sadbursiga u qaadatay.

Marka hadii la xisaabtamo waxaa eedda yeelanaya Cabdikariin Guuleed oo qaatay xubno dheeriya.

Hoos ka daawo Cabdikariin Guuleed.