Lasoco Wiiggaan Waxaan P/O Kusoo Bandhigi Doonaa Qoraalo La Xiriira Tartanka Hoose ee Dekadaha (Gwadar) Pakistan-China Iyo Dp-World Khaliijka Reer Galbeedka

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa aan P/O marwalba aan kusoo bandhigi jirnay qoraalo la xiriira in ay Soomaali dhex dhexaad ka noqdaan siyaasadaha u dhexeeya dalalka waawayn ee aduunka xukuma iyagoo markaas soo dhawaysanaya caalamka oo dhan oo aan u kala eexanayn.

Inkastoo aad moodid dalalka reer galbeedka iyo khaliijka ay leeyihiin Soomaaliyay ama sidaan rabno wax u fuliya ama Itoobiya ayaan idin hoos gaynaynaa.

Hase yeeshee aduunka Illaahay baa iska leh, haddii aan illaahay aamino oo illaahay talada saarano, umadaha illaahay caalamka nagula uumayna aan xushmayno illaahay ayaa nala jiraya.

Dhanka kale dalalka reer galbeedku waxay dalalkooda kusoo dhaweeyaan boqolaal kun uu Soomaaliya, waxaana wanaagsan in ruuxa damiirka lihi uu gudo abaalkii loo gallay, mana jiro Jizaar wax ka xun.

Marka isku soo duub Soomaalidu waxay ku khasban yihiin in ay dhexdhexaad ka noqdaan siyaaadaha ay dalalka Bariga iyo Galbeedku ku hardamayaan.
Hadaba aan ku billownee

China iyo Pakistan oo baryahaan aad isku xulufaysanaya waxay Dekad wayn ka dhisteen xeebta Gwadar oo ka Istraatijisan dekadda Dubai oo reer Galbeedka iyo dalalka khaliijku ay maamushaan.

Waxaanad mooddaa in baratankaas oo wajiyo qarsoona in Soomaaliya la iskula soo galay, oo hadda Mashruucaan Dp-world uu qayb ka yahay.

Waxaanad mooddaa in ay baryhaan is xulufaysanayaan Qadar, China, Russia, Pakistan, Iyo Turkiga.

Waxaana laga yaabbaa in hadda murankaan Soomaaliya ka taagan uu arrimahaas daaran yahay.

Waxaana Soomaalida laga rabaa in cayaaraan siyaasadda degan oo dhexdhexaada oo labada qoloba lasoo dhaawaynayo loona sheegayo in aynan Soomaalidu dhana la safanayn ee ay dhexdhexaad ka yihiin siyaasadahaas aynana jirrin sabab ay Soomaalidu uga mid noqoto siyaasadahaas waayo Soomaalida aduunkoo dhan baa abaal ku leh oo dalwalba ayay u qaxeen oo Soomaalidu ma rabaan in ay noqdaan Jazariin aan abaal lahayn.
Waxaa ugu wanaagsan bini aadam ruuxa illaahay uga mahadnaqa nimcooyinka uu illaahay ssiyay, gaar ahaan Soomaalida nimcooyinka uu illaahay gaarka u siiyay waa in daqiiqad kasta ay Soomaalidu ka illaahay uga mahad naqaan.

Aakhirkana Soomaalidu caadifad iyo carqalad uma baahna, oo waa wax illaahay laga magangalo colaad iyo caadifad.