Ma run baa in xukuumaddii Siyaad Barre Degmooyin farabadan u magacawday Beesha Daarood (Daawo Maapka Soomaaliya iyo Shaxda Degmooyinka)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Waxaa baryahan gayiga Soomaalida looga doodaa hiigsiga 2016 iyo in hanaanka doorashada lagu galo habka degmooyinka ama 4.5.

Hadaba waxaa jira siyaasiyiin fara badan oo ku dooda in xukuumaddii Siyaad Barre ay Beesha Daarood Degmooyin farabadan oo ayna xaq u lahayn u magacaabay.
Hadaba bal halkaan ka eeg shaxda Degmooyinka oo Map ah
https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/4/47/Somali_land_2007_05_18.png
Hadaad Maapka si wanaagsan ugu sii fiirsatid, Gobalka Shabeelada Hoose oo aynan Baaxaddiisu ballaarayn ayaa hadana wuxuu ka koobanyahay illaa 7 Degmo, balse baaxad ahaan wuxuu Gobalka Shabeelada Hoose u dhigmaa hal Degmo sida Degmooyinka Afmadow, ama Qardho, Ama Hobyo ama Burco.

Isku soo duub kolaba waa adagtahay in si cadaalada loo qaybsho dagmooyinka.

Hadda hadaad shaxda degmooyinka eegtid waxaa aad lowgu xagliyay marka laga eeggo dhanka dhulka baaxaddiisa 3-da Gobol ee Koonfur Galbeed, oo aad arkaysid in Degmooyinkiisu ay aad u yaryaryihiin marka loo eego Gobalada kale.

Waxaana aan waxba ka jarin in Siyaad Barre uu Beesha Daarood u sad Bursiiyay, waayo Siyaab Barre waxaa la hubaa in aannu Guryo u gooniya ka dhisan Xukuumaddii uu madaxwaynaha ka ahaa, isla markaana aannu dhisin Magaalada Garbahaaray ee uu kasoo jeeddo, taasi oo cadaynaysa in aynan Siyaad Barre ku jirin damac Beeleed ee uu ku jiay damac Xukun oo marka uu beel siyaasad uu isleeyahay Xukunkaagay dan u tahay uu ka leeyahay ayuu malaha ku xod xodanjiray waxay rabaan.

Dalalka Horumaray Degmo kasta dadka degan baa la diinwaangaliyaa, Xildhibaankuna wuxuu codka xildhibaanka Qaran ku helaa Tirada dadka dalka ku nool intooda codayn karta oo loo qaybiyay tirada Xildhibaanada Qaranka matalan haddii dadka Soomaalidaa ee codaynkara ay yihiin 7 million, markaa waxaa lagu helayaa 7000000/270 taas oo ka dhigan xildhibaankiiba wuxuu u baahanyahay 25 kun oo ruux oo u codaysa, halka uu xildhibaanka maanta Soomaaliya Baarlamaankeeda fadhiya uu codka siiyay hal Isim.

Puntlandobser Desk

One Response to Ma run baa in xukuumaddii Siyaad Barre Degmooyin farabadan u magacawday Beesha Daarood (Daawo Maapka Soomaaliya iyo Shaxda Degmooyinka)