Ma u hambalyaynaa Murwo Muxubo Cismaan … mise waa wali ?

Filed under: Wararka |

muxubo guuleed Baargaal

HALKAAN KA AKHRI QORAALKII U DANBEEYAY EE MUSHARAXAD XILDHIBAAN PUNTLAND MUXUBO CUSMAAAN

Marka ugu horaysa waxaan murwo muxubo cismaan guuleed ugu
Hambalyaynaynaa hawsha doorashada ay kasoo qayb gashay iyo sida wayn
oo ay kalsoonida iyo qadarinta uga heshay dhamaan bulshawaynta ku
dhaqan deegaanada calbari iyo ummada puntland.

Tan iyo maalintii ay murwo muxubo ku soo biirtay liiska murashaxiinta
xubinta barlamaanka degmada baargaal, waxa deegaanka ka bilaabmay
habdhaqan iyo cimilo cusub oo ku timi waxgaradka iyo cuqaasha
deegaanka.

Waxaana bulshada marinhabaw ku riday doorkii iyo kaalintii looga
bartay odayaasha , Waxaana la arki waayay, lamaqli waayay
dhaqdhaqaaqoodii looga bartay bulshada dhexdeeda.

Isbadakaas ku yimi doorkii nabadoonada iyo waxgardkii deegaanka ayaa
saamayn wayn ku yeeshay bulshada deegaanka oo si ay wax u sheegaan
garan la, dhan ay wax ka jeedaan ama u jeedaan fahmila,si ay wax u
sahamiyaan ama u saadaaliyaan ay adagtahay maadaama ugu danbaynta
saxiixyada afar oday dhaqameed shukaanta dhinaca kale u rogi karaan.

Hadaba inkasta oo is badalkaasi jiro , iyo wararka sheegaaya in
xubintii barlamaanka mar hore loo saxiixay mudane saalaad xareed cali
oo 15 kii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay booskaas laakiin
shacabka reer Baargaal waxa uu u muuqdaaa mid illaashanaya oo
wax kasta ka horaysiinaya doorashadiisa uu ugu doortay murwo muxubo
cismaan guuleed inay u matasho golaha wakiilada puntland, cidii ku
xadgudubtana ay meel ka dhac ula timi,

Mohamed ibrahim
ruunyo2004@hotmail.com