Maalinta Ciidamada Milateriga Soomaliyeed mise Maalinta Isbaaroleyda Soomaliyeed?(Qalinkii Tafatiraha Markanews)

Filed under: Wararka |

Isbaaro_Qaadis
Markanews:Maanta oo kale 12 April 1960 waa maalintii la asaasay ciidamada Milateriga Soomaliyeed laakiin maanta oo ku beegay 53 sano kadib ma jiro wax la yiraahdo Ciidamo Soomaliyeed oo loo dabaal dego asaaskooda.

Xilligan la joogo ma jiraan Ciidamo Qaran Soomaliyeed leeyahay oo loo dabaaldego maalintii la asaasay. Kuwa lagu sheegayo in ay Ciidamo Qaran yihiin waa maleeshiyo beeleedkii 22 sano qasayey Soomaliyeed oo shaati dowladeed loo geliyay.

Waa maleeshiyo beeleed dadkii masaakiinta ahaa ee ku jiray xeryaha qaxooti ee ku yaala Muqdisho intey afduub ku qabsadeen, kula kacaya Kufsi, dhac iyo Boob. Waa maleeshiyada ay madaxdooda ugu abaal gudayaan dumarkii la kufsaday xarig iyo jir dil.

Ma jirto ciidamo Qaran oo loo dabaal dego 12 April ee waxa loo dabaal degayo waa Isbaarooley Soomaliyeed ee ku caan baxay in ay lacago baad ah ka qaataan dadka rakaabka ah ee saaran gawaarida u kala goyshta xaafada Muqdisho iyo magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

In maanta ay tahay maalinta Isbaarooleyda waxaa kuu ceydeynaya in kuwa lagu sheegayo in ay ciidamo Soomaliyeed yihiin ay isbaarooyin xad dhaaf soo dhigteen maalmihii na soo dhaafay wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye,taas oo ka dhigan in Isbaarooley la maamusayo, oo lagu dhiiragelinayo in ay sii wadaan Isbaaradooda ay ku dhibateynayaan dadka Soomaliyeed ee masaakiinta ah.

Madaxda ciidamada maanta loo dabaal degayo sanadguuradii 53 ee markii la asaasay waxaa ka mid ah Yusuf Indhacade oo ahaa Kaaba mooriyaan caan ah oo biyaha wabiga dadka ka gadan jiray, beero Mukhaadaraad ay lacag xad dhaaf ah ka soo geshana ku leh Gobolka Shabellada Hoose, taas oo la micno ah in bilado sharaf la siinayo Kaabo mooriyaan oo loogu hambalyeynayo dhibaatadii ay u geysteen dadka Soomaliyeed, lana leeyahay halkiina ka sii wada dhaca iyo kufsiga.

Maalinta 12 April waa ma aha maalinta ciidamada Milateriga Soomaliyeed, ee waa maalinta Isbaarooleyda Soomaliyeed: Waa maalin ay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ku sharfeyso Maleeshiyada qabiileed iyo madaxdooda, si ay u sii wadaan afduubka ay ku heystaan shacabka Soomaliyeed.

Hambalyada uu Xasan Sheekh Maxamuud u diray isbaarooleyda Soomaliyeed waxa ay ka dhigan tahay in uu raali ka yahay dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaliyeed, kuna dhiiragelinayo in ay sii laba jibaaraan dhibaatadaas.
Xigasho Markanews
Aawow Muudey