Maamul usamayntii Gobalada Mudug iyo galguduud, waxay ahayd dagaal lagula daggaalamayay wadada isku xirta Wardheer iyo Garacad iyo Dekadda Garacad (Warbixin)

Filed under: Wararka |


Maxay tahay sababta loo sheegtay dhamaan Gobalka Mudug, maxaa maamulka lowgu samaynwaayay ama xuduuddiisa lowgu ekaynwaayay deegaamada Galmudug ée loo sheegtay deegaanada Puntland ee Gobalka Mudug

Dhanka Ethiopia ama DDSI wadadii Laamiga ahayd waxaa lasoo gaarsiiyay Wardheer, waxaana socda Qorshe ladoonayo in waddo kale oo laamiya lagasoo qaado Wardheer oo lakeenno Goldogob, dhanka kalena waxaa si xawliya ku socday wadada Wadaagsin ee Galdogob iyo Garacad u dhaxaysa.

Waxaase shakki wayn abuuray nimankii Injineerada ahaa ee Chinese-ka ahaa ee Garacad la geeyay, taasi oo dad baddan ay shakki ka muujiyeen in ay Chinese-ku maalgashanayaan waddo iyo Dariiq Tareen oo isku xira Garacad iyo Wardheer, taase oo DDSI aad ugu sahli lahayd in ay sifudud Dekadda Garacad wax uga soo dhoofsadaan.

Arrinkan ayaa dad baddan aaminsanyihiin in sababta durba lowgu dhawaaqay Maamul Goboleedka Mudug iyo galgaduud, uu ahaa carqaladayn lagu carqaladaynayo, suurta galnimada wadada isku xirta Wardheer iyo Garacad

Si kastaba ha ahaato ee markasta oo uu ganacsi iyo wadooyin usoo kordhaan deegaanada soomaalida dadkoo dhan baa ka faa iidaysanaya.