Maamulka Dawladda Hoose ee Garoowe oo lagu eedeeyay in ay Kantaroolka Garoowe Bixin u durkiyeen iyagoon la tashan Maamulka Degmada Boocame (falanqayn)

Filed under: Important News,Wararka |

Kantaroolka Garoowe
Maamulka Dowlada Hoose ee Dagmada Garoowe oo kaashana Maamulka Gobalka Nugaal ayaa Durkiyay Kantaroolka waqooyi ee magaalada Garoowe kaasi oo ay awal hal meel wada yaaleen kan dhanka Koonfureed kadib markii magaaladu ku soo fiday dhanka kantaroolkaasi .

Kantaroolkan Cusub ee Dagmada Garoowe ayaa la geeyay deegaanka Bixin oo dhanka waqooyi kaga Beegan Caasimada Puntland qiyaastiina u jirta 10KM xadka Garoowe uu Boocame la leeyahay wuxuuna abuuray kantaroolkaani xiisad.

Golaha deegaanka ee dagmada Boocame ayaa sharci Darro ku tilmaameen Saldhigaani Cusub Maamulka Garoowana ugu baaqay inay ka fiirsi sameeyaan xusayna inaan wax talo iyo ogaal midna ah laga siin dagitaanka kantaroolkaani.

Maxaa Xal ah.

Wasaarada Arrimaha Gaduaha ee Puntland ayaa laga rabaa in ay arrinka Soo dhexgasho.
Wax dhibihi kama taagna Xuduudda u dhaxaysa Degmada Boocame iyo Degmada Garoowe oo matalan ninkii dhul ka iibsananaya Xuduudda Garoowe ka Xigta Degmada Boocame waa in uu tago Degmada Boocame oo kasoo qaato warqadda dhulka ee ay degmadaas bixisay, isla markaana wixii canshuura iyo kharashaada uu qaato maamulka Degmada Boocame, sida dunida oo dhan ka jirta.

Laakiin dhanka Kantaroolka waa arrin ka duwan waayo waxaa laga hadlayaa amaanka Caasimadda Puntland oo Soomaali oo dhami kuwada nooshahay adkayntiisa, waana sax in Kantaroolka magaalada laga durkiyo, Kantaroolka iyo nabadgalyadiisa iyo Xuduuduha Degmooyinka u dhexeeya waa laba arrimood oo aan shuqul isku lahayn, waayo Kantaroolka Puntland wuxuu yaallaa meel Laascaanood aan saas uga fogayn waxaana ay ciidamada Puntland joogaan Degmada Tukaraq oo Garoowe dhanka Laascaanood ka xigta illaa 80 km halkaan ka eeg MaapkaTukaraq

Eedan waxaa iska leh maamulka degmada hoose iyo in Gobalka nugaal iyo wasaaradda arrimaha Gudaha ee Puntland oo ay dhamaantood shaqadoodii gabeen.

Waxaana kasii daran xitaa in ay ka aamuseen oo aynan u jawaabin qolooyinkii saxaafadda ka hadlay, iyagoo ka faa–iidaysanaya maamul xumada maamulka Dawladda Hoose ee Garoowe.
Garoowe Bixin