Madaarka Boosaaso oo in lowgu magac daro Cabdirashiid Cali Sharmaake ay ka shirayaan Qurba Joogta reer Puntland ee North America iyo Europe

Filed under: Important News,Wararka |

cabdirashiid cali sharmaake
Waxaa P/o soo gaaraya fariimo badan oo dhamaantood ay soo dirayaan Qurbajoogta reer Puntland ee North Ameriaca iyo Europe.

Qurba joogta ayaa dalbanaya in ay dirayaan Firiin muhiima oo ku saabsan in Madaarka Boosaaso lowgu magac daro Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Cabdiraashiid Cali Sharmaarke.

Qurba joogta ayaa ku doodaya maadaama Dhamaan madaaradii Soomaaliya lowgu magac daray Madaxwaynayaashii deegaanada Sooomaalida madaxda kasoo ahaa, ay mudantahay in Madaaarka Boosaaso lowgu magac daro Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Madaarka Muqdisho: Aadan Cade.
Madaarka Hargaysa: Maxamed Xaaji Cigaal.
Madaarka Gaalkacyo: Cabdullaahi Yusuf.
Madaarka Jigjiga: Garaad Wiil Waal.
Madaarka Boosaaso: Cabdirshiid Cali Sharmaake.

Dhanka kale Qurbajoogta ayaa ka digaysa in Madaaarka lowgu magac daro ashkhaasta ama ugaasyadaa ama magac Boqorada wadata, waayo bay yiraahdeen waxaa qurux badan in sidaas Gobalada kale ee dagaanada Soomaalida caadada u noqotay, caadadaas halkaa laga sii wado.

5 Responses to Madaarka Boosaaso oo in lowgu magac daro Cabdirashiid Cali Sharmaake ay ka shirayaan Qurba Joogta reer Puntland ee North America iyo Europe