Madaxda maamulada Soomaaliya oo asbuucan ku balansan Garowe

Filed under: Wararka |

Madaxweyanaha dowaladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira sida Puntland, Jubbaland iyo Koonfur-Galbeed ayaa lagu wadaa in uu shir uga furmo magaalada Garoowe ee Caaasimadda dowladda Puntland.

Shirkan ka dhacaya Garoowe waxaa la sheegay in uu yahay mid wada tashi ah oo ay madaxda dalka kaga arrinsanayaan mustaqbalka dalka iyo xaaladaha la galay.

Maalinta Arbacada oo Taariikhdu ay ku beegan tahay 28/4/2015-ka ayaa lagu wadaa in Madaxweyne Xassan Sheekh uu gaaro Puntland,halka Madaxda Dawladaha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay tegi doonaan Garowe sida uu qoshaha yahay 29/4/2015-ka oo ku beegan maalinta Khamiista.

Bishii labaad ee sanadaan aanu ku jirno ayuu wajigii koobaad shirkan wada tashiga ka dhacay magalada Muqdisho ee caasimadda dalka waxaana iskugu yimid madaxda dowladda Federaalka ugu sareyso iyo madaxda maamul goboleedyada ka jira dalka.