Madaxwayne Gaas: Ciddii Rabta In Ay Meeshaan Timaaddo Inyar Baa Noo Hadhay ee Ha Iska Sugto Innagaa U Banayna (Dhegeyso-Fallanqayn xukuumadda Gaas)

Filed under: Important News,Wararka |

Madaxwynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed cali Gaas ayaa xukuumaddiisu waxay awoodda saaraysay waxka qabashada dhanka Kaabayaasha dhaqaalaha, laakiin waxaan marwalba kula talinaynay waxa ugu muhiimsan ee ay Puntland u baahantahay waa maamul wanaag iyo in nidaam iyo hirgallinta sidii Puntland doorashada soo socota calaa aqali ay si daacada ugu dhici lahayd.

Hase yeeshee Gaas ayaa awooddiisa isugu geeyay dhanka Kaabayaasha dhaqaalaha isla markaana aan waxba ka qaban dhankii maamul wanaagga, waliba xukuumadda Gaas hadda waa hal madaxle oo waxwalba waxaa laga warsadaa Madaxwaynaha, taasoo ka dhigan Diktaatooriyad maldahan.

Goobaha fadhikudirirka ayaa baryahaan waxaa aad lowgu fallanqeeyaa sababta aynan marna u suuroobbin in xukunka shacabka lagu wareejiyo, waxaana ay dad badan fallanqeeyeen in Madaxwaynaha Puntland imman doona 2019 ay beesha caalamka kuwooda dunida maamula hadda sii qorsheeyaan oo kasii fakarayaan waliba miisaaniyd gooniya usii sameeyeen, sidoo kala mida DFS, oo ay marwalba soo xullaan madaxwayne jecel in uu xukunka dalkoo dhan isaga hoos yimaado si ay dhaqaalaha iyo awoodduba gacanta ugu jirto kaligiis oo uu isagu u maamulo illeen haddaad ka shaqaysid maamul wanaag iyo isla xisaabtan waxay ka dhigantahay in aad awooddaadii iska wareejisay.

Waayo beesha caalamku waxay rabbaan hal shakhsi oo ay awooddu gacanta ugu jirto oo ay arrimaha dalka kaligiis kala xisaabtamaan meeshana ku illaashaan oo ka dhiibaan lacagaha mooshinka Baarlamaanka marka loo dulqaadanwaayo kaligii talisnimadiisa.

Goobaha fadhi kudirirka baryahaan waxaa aaad ugu soo badanaya horta farmaajo iyo Gaas isku si baa loosoo dhaweeyay, isku jaamacadna waa ka wada yimaadeen, dhanka maamul wanaagga talow isku arragti ma ka noqondoonaan.

Horta Gaas maamulwanaag ma xiiseeyo ee wuxuu xiiseeyaa kaabayaasha dhaqaalaha
Farmaajana wuxuu xiiseeyaa dhisidda ciidamada.

Marka Beesha Caalamku inta aynan noosoo xullin madaxwaynaha ayay noosoo baaraan waxa uu xiiseeyo oo hadduu maamul wanaag xiiseeyo ma jecla in ay maalgalliyaan.

Marka aan ka warsugno