Madaxweyne Gaas waa dadaalayaa, Hayeeshee, Shacabkii baa Garaadkoodu Hooseeysaa (Qormo Gaaban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

innovation
Ummad horumar gaadhay oo markay ugu yartahay nabaddooda ilaashaday waa ummad wax u billaabanyihiin oo arragtidoodu meel fog wax ka shiishi karaysa.

Haddii ay shacabka Puntland meel uga soo wada jeestaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen maanta waa ay haystaan Madaxweynihii ku habboonaa, keliya waxaa loo baahanyahay in ay Madaxweynaha ku biiriyaan fekredihii dalka lagu horumarin lahaa. Ma ahan keliya in ay Madaxweynaha ku biiriyaan sidii ay jagooyin iyo mashaaruuvyo iyo qandaraasyo xukuumadda uga heli lahaayeen.

Waa in ruux walba qaybtiisa kaga aaddan horumarinta dalka uu iskii isu xilqaamaa u gutaa waana sida ay sameeyeen ummadaha horumarka gaaray.

Haddiise inta shacabkii oo dhan nin walba barkinta dheereeysto oo ka gadaale la yiraahdo, ‘Muxuu Madaxweynuhu waxaas u sameeyn waayay?’ Qof walbaa waa garan karaa jawaabtaas, waayo Madaxweynuhu waa shakhsi idinkoo kale ah, haddii uu hello shacab diyaarsan oo dalkooda ilaashanaya shacabkaas buu ka mid noqonyaa, laakiin haddii shacabkii ay musuqii isugu gargaarayaan, muxuu hal Madaxweyne ka qaban karaa?

Waxaase Madaxweynaha laga rabaa in uu awoodda isugu geeyo kala xulushada dadka oo uu Madaxweynuhu xusho kuwa ay daacadda ka tahay horumarinta dalka isla markaana leh kartideeda, lagu yaqiinay daacadnimo.

Haddii uu markaas Madaxweynuhu xusho koox saxdaa, waa markaas marka ay Madaxweynaha qudhiisu wax badan u hirgelayaan, laakiin haddiise Madaxweynaha ay laaluushaan kooxaha Caanka ah ee la yiraahdo “Cadkanow ama ku cunay ama ku ciideeyey”, waxay Madaxweynaha ugu dambeeyn ku shaabadeeynayaan wax kasta oo xumaan ah oo ay iyagu sameeyaan.

Si kastaba ha ahaato, dadweynaha ayaa laga rabaa xitaa xilliga Madaxweynuhu khaldamo in ay saxaan ee aynan keliya mucaaradinnin.

Diyaariye: Wayl Cadduun
Puntlandobserver.com

2 Responses to Madaxweyne Gaas waa dadaalayaa, Hayeeshee, Shacabkii baa Garaadkoodu Hooseeysaa (Qormo Gaaban)