Madaxwayne Gaas: waxwalba waa loo tartamayaa macaa shaqaalaha Xafiiskayga waa loo tartamayaa Garab waa dhamaaday

Filed under: Important News,Wararka |

Madaxwaynaha Puntland CabdiWali Maxamed Cali Gaas oo maanta ka qaybgalay Xaflad arday Jaamacadaha Bariga Afrika iyo PSu ka qalinjabiyeen shahaadooyinkii lagu gudoonsiinayay ayaa aad uga hadlay maanta isbadallo 4 ahaa oo xukuumadiisu ballan qaaday, sida Tiirka Cadaaladda oo uu sheegay in hadda kadib waxwalba loo tartamayo oo aanu yeelli doonin iga waastee.

Ruuxa diyaarkaa oo soo shaqeeyay oo waxdoonaya ayaa la taakuleeyaa oo waxaa lagu taakuleeyaa in uu tartan ku hello jagadii loo tartamayay.
Wasaaradaha wax sii xulaya aamini mayno ee shaqaalaha ama ardayda dibadda loo qaadayo waa in darbiga lagu soo dhajiyaa oo loo tartamaa oo la abuuraa Gudigii kala saarilahaa tartamayaasha

Dhegeyso