Madaxwayne H. Sh. Mohamoud Iyo Been-Abuurkiisii Oo QurboJoogta: Reer Jubbaland iyo Puntland: ‘Walaac Wayn Ka Muujiyey’

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Wararka |

Madaxwayne H. Sh. Mohamoud Iyo Been-Abuurkiisii Oo QurboJoogta: Reer Jubbaland iyo Puntland: ‘Walaac Wayn Ka Muujiyey’

Mohamed Barre - independent writer.

Mohamed Barre – independent writer.

QurboJoogta Reer Jubbaland iyo Reer Puntland ee waqooyiga America ayaa walaac ka xoog leh ka muujiyey wararka aan salka iyo raadka lahayn oo ay Madaxda ugu saraysa dalka Soomaaliya la soo shirtageen shirkii gogol-xaarka ee ka dhacay Muqdisho Jan 25, 2016. Sida ku cad war saxaafadeedka uu Dr. Abdiweli Gaas siiyey qaar ka mida shabakadaha wararka ee Soomaaliyeed, waxuu ku eedeeyey in madaxda sare ee dalka, oo uu ugu horeeyo Madaxwayne Hassan Sheikh Mohamoud, arimaha ay ku xuseen khudbadahooda, aysan wax sal iyo raad ah ku lahayn shirkii kismaayo.

Ficilkan majaro-habaabiska oo ay madaxda dalka ku kaceena, waa mid lagu tilmaami karo waxa loo yaqaan ‘QUICK FIX’, taaso la mida ‘XAL DEG-DEG AH’ – Soomaaliyana waxay horey u soo qaadatey go’aano lagu degdegay, oo lagu salayay aragtidaas ‘XALKA DEG-DEGA AH’, waana mida dhalisey muranka ka taagan Nidhaamka-Dowliga ee la qaadan lahaa, Nidhaamka-Doorasho lagu dooran doono madaxda dalka iyo qaabka loo dhisi lahaa Dowlad-Goboleedyada-Harsan.

Been abujurka hada bilowdayna, waxaa uu cadaynayaa in Soomaaliya 25 sano ka dib aan laga sinayn aragtida waxii dhacay iyo xal u helideeda. Maxaa yeelay, hadii shirarka lagu been abuurto ay dhalin kartaa in uu shirku burburo, isla markaana Jubbaland iyo Puntland iskaga baxaan, iyagoo laga yaabo in ay go’aansadaan in ay sugaan waqtiigii ay Soomaali oo dhan isa soo hor fariistaan, taasoo ay ku xiraan in ay Somaliland miiska soo fadhiisato madaama uu shirarka hada socda aysan Somaliland qayb muuqato ugu jirin inkastoo ay jiraan dad matala oo shirka u fadhiya.

Marka ifafaalaha shirka gogol-xaarka ee shirweynaha madasha wadatashiga qaranka ayaa u eg mid wadahadalka mustaqbalka gelin kara is aamin la’aan. Qaar ka mida QurboJoogta ayaa cadeeyey in ay jeclaan lahaayeen in Dr. Abdiweli Gaas iyo Mudane Ahmed Madoobe, shirka iskaga baxaan hadii ay madaxda sare ay ku go’aansadaan in ay qaataan nidhaamka baadilka ee loo yaqaan 4.5ka.

Su’aashuse waxay tahay, madaxda Jubbaland iyo Puntland ma ka midaysan yihiin mowqifkooda iyo wixii xal ugu jira dadyowga ay matalaan? Su’aasha kale waxay tahay, madaxda reer Jubbaland iyo Puntland xaq ma ku tahay in ay qaataan arin aan xaq ahayn, lana mida maahmaahda Soomaaliyeed “La joojiyo banaan, la jiifiyo banaan”, taasoo dulmi ku ah qaar ka mida walaalaheen Soomaaliyeed, ayagoo lagu tilmaamaayo 0.5ka (NUS).

Hadaba waxaa la gudboon madaxda Soomaaliyeed, gaar ahaan Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, in ay ka fogaadaan wixii keeni kara in la kala aamin baxo madaama shirka qaran ay muhiim tahay in laga fogeeyo wixii kala fogayn kara dadwaynaha Soomaaliyeed, isla markaana dhalin kara dib u dhac dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo nabad-gelyaba, dalka dib ugu celisa meeshi uu taagnaa sanadkii 1990kii.

Waxaa idiin soo diray Mohamed Barre – Junlay, qoraa madaxbanaan, waxna ka qora Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis – junlay99@aol.com

One Response to Madaxwayne H. Sh. Mohamoud Iyo Been-Abuurkiisii Oo QurboJoogta: Reer Jubbaland iyo Puntland: ‘Walaac Wayn Ka Muujiyey’