Madaxwayne Waa Chairman (Hagaamiye) ee Hawlwadeen ma ahan (Soomaalida oo aan wali fahansanayn shaqada Madaxwayne Maqaal muhima oo kooban)

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Ciladda ugu wayn ee Soomaalu meel walba oo ay joogaan haysata waa dhaqan xumadii uu dhaxal siiyay Marxuum Kaligi Taliye Siyaad Barre.

Waxaanad arkaysaa sida qaldan ee ay Soomaalidu u fahmeen shaqada Madaxwaynaha.

Aduunka Casrigaa Shacabku meel bay iska saareen Madaxwayne in uu wax walba kaligiis go’aan ka gaaro.

Madaxwayne shaqadiisu waa Hogaamiye (Charman) , ee ma ahan HawlFuliye (executive), ama haddii sida kale loo dhigo waa saxiixe.

Ama haddii sida kale loo dhigo waa Arbiitare ama kala saare, ama Dusha ka illaashe.

Waa qalad in waxwalbaa Madaxwayne Magacaabo.
Hadaad aragto meel Madaxwaynuhu waxwalba uu magacaabayo waa calaamadaha kalige talisnimo, Madaxwayne dal Dimoqraadiyadi ka jirto madaxwayne ka ah, ma magacaabi karo cidduu doono waa qalad.

Cidda la magacaabayaa waa in ay shacabku soo xulaan oo qaabka ugu cadaaladsan ee loo dhanyahay lagu soo xulaa.

Madaxwaynaha shaqadiisu waa in ay ku koobnaataa dusha ka illaalin iyo aqbalaad ruuxii shacabku soo xushay, ama diidid haddii hawsha qaab qaldan lagu soo xulay.

Maqaalkaan eeg si fiican buu u kala saarayaa shaqooyinka Hogaamiye iyo Howlfuliye

Inta Soomaalidu ay badalayaan dhaqanka Madaxwayne waxkasta iska maamulanaya oo iska magacaabaya, wax rajo ah haka sugin dalkaas.

Dhanka kale Dhaqankaan Soomaalida intooda aan waxbaran ee aan tartami karin ayaa hormuud u ah in dhaqankaas sii xoogaysto oo waa qaab laaluusha maadaama aynan tartan waxku heli karin waxaa u fudud in ay Madaxwaynaha u olaleeyaan oo u sacabiyaan oo goobaha Fadhikudirada ka amaanaan iyo Tv-yada, si ay sidaas fudud Jago iyo mansab ugu hellaan.

Laakiin qofku in uu qalin iyo buug qaato 10 sano waa ku adagtahay.

Madaxwaynaha Caqliga leh ee ay ka go’antahay in uu Dalkaan Taariikh wanaagsan ugu tago waa in uu diiddaa kuwa laaluushaya oo amaanta iyo reer hebel baan isla nahay ku laaluushaya, waana in uu shacabka howsha u daayaa, kaliya waa in uu shacabka kuwooda hororkaa ka ceshaa kuwa masaakiintaa ee xaqooda la duudsiiyo, shaqada rasmigaa ee Madaxwayne wadaniya waa taas, ee ma ahan in uu kuwa uu jecelyahay ama ay asxaabta ama ehelka yihiin uu Kuraasta dalkoo dhan u magacaabo.

Waxaanad arkaysaa marka Madaxwayne meel yar tago oo soo noqdo, dhamaan intay soo saftaan iyagoo dariiqyada taagan oo wada dhunkanayana, casrigee joogaan Soomaalidu.

Dalka Finland 26 sanaan ku noolaa, walaahay ma aqaan magaca raysalwasaaraha dalkaan, waayo qof u baahan baa iska yar, qofwalbaa wuxuu illaashadaa Qodabada Dastuurka dalka ee looma sacabiyo Madaxwayne iyo Raysalwasaare, waayo waxay kaa saacidi karaan baa iska yar xitaa hadaad qaraabo dhaw tihiin waxba kuuma tari karaan, oo dalka Nidaam baa ka jira

Si kooban oo degdegaan ku diyaarshay maqaalkan raali galin, nuxurka guud kala baxa

Ibrahin Sh Maxamed Gablax gablax@yahoo.com

2 Responses to Madaxwayne Waa Chairman (Hagaamiye) ee Hawlwadeen ma ahan (Soomaalida oo aan wali fahansanayn shaqada Madaxwayne Maqaal muhima oo kooban)

  1. Pingback: Ilka Xanaf:Musharaxiinta Madaxwaynayaasha Waxay Leeyihiin Waxaan Samaynaynaa Shaqadii Golaha Xukuumadda Madaxwaynuhu Malaha Awoodaas Waa Dastuur Illaaliye shaqada Madaxwaynaha (Qormo muhiima Fadlan Akhri) | Puntland Observer