Madaxwayne Xassan Shiikh oo doonaya in uu isbadal kusameeyo xukuumadiisa, iyo Raysal wasaare Saacid oo labadalayo

Filed under: Wararka |

saacid-iyo-xasan-sheekh1

Warar xaqiiqa oo ay Puntlandobserver xiriiro ay lasamaysay rag makaan sare kaga jira Dawladda Federaalkaa oo si hoose nowgu sheegay in Madaxwayne Xassan Shiikh uu hadda si Geesininmo ah u doonayo in uu isbadal kusameeyo socodsiinta Dawladda Federaalkaa.

Ragaan ayaa Puntlandobserver u xaqiijiyay in Raysalwasaare Saacid labadalayo, oo hadda uu yahay arinkaas arin siwayn miiska ugu saarnaa Madaxwaynaha.

Dhanka kalena Raysalwasaare Saacid oo waagii hore iska hurdi jiray ayaa hadda bilaabay in uu isku diyaariyo sidii uu arinkaas uga dagaalami lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in Saacid uu hadda Xiriir fiican lasamaystay Siyaasiinta Digil iyo Mirifle oo iyaguna waayadaan kabiya diidsanaa shirkii addis uu Madaxwayne Xassan Shiikh kula heshiiyay Maamulka Jubbaland.

Saacid ayaa safiiro iyo jagooyin iyo balanqaadyo farabadan u sameeyay Siyaasiyiinta Beesha Digil iyo Mirifle si uu markaas Saacid Hiilo dhanka Baarlamaankaa uga helo Xildhibaanadda Digil iyo Mirifle.

Dad badan ayaa aaminsan in uu ahaa Saacid ruuxii kadanbeeyay dagaaladdii Jubooyinka, halka dad badan awal u haysteen in uu arinka dagaaladda Jubbooyinka iyo ficiltankeedda uu riixayay Xassan Shiikh, laakiin warar ay Puntlandobserver kaheshay rag Madaxwaynaha ka agdhow, waxaa naloo xaqiijiyay in uu Madaxwaynuhu doonayay in marhore la aqoonsado Jubbaland laakiin uu arinkaas diidanaa Saacid.

Dhanka kalena wasiiradda Xassan Shiikh laharay ayaa dhamaantood lasheegay in uu Saacid meesha keensaday.

Dad badan ayaa aaminsan in hadda loo baahanyahay Raysal wasaare leh awoodii uu ku keensan lahaa kalsoonidda Beelaha Daarood oo hadda ugu badan kuwa aan kalsoonidda u hayn dawladda Xassan Shiikh, maadaama uu Raysalwasaare Saacid aanu haysan Kalsoonidda Beesha Daarood ee uu kasoo jeedo, marka laga reebo xoogaa Jiffa hoose ah oo ay Raysal Wasaaraha Qaraabo yihiin.