Madaxweyne Gaas oo kala diray golaha deegaanka degmada Jariiban iyo maamul cusub oo la magacaabay

Filed under: Wararka |

Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kala diray golaha deegaanka degmada Jiriib ee gobolka Mudug,sida waxaa Raxanreeb u xaqiijiyay ilo xogo-gaal ah oo ku sugan Garoowe.

Madaxweynaha ayaana si kumeel gaar ah u magacaabay guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa oo ay degmadu yeelanayso,kaddib markii lakala diray maamulkii degmada.

Maxaa loo kala diray golaha deegaan

Golaha deegaanka degmada Jariiban oo shaqeynaya muddo ku dhow sanad iyo bar ayaa xilligan la kala diray,taaso sabab looga dhigay isqab qabsi iyo khilaf soo kala dhex-galay xildhibaannada golaha deegaanka iyo guddoomiyaha degmada.

Khilafka ka dhaxeeyay degmada iyo golaha deegaanka ayaa sabab u noqday inay horay u socon wayday degmada Jariiban oo ka mid ah degmooyinka ugu faca weyn gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu dambeyn go’aamiyay in lakala diro golaha deegaanka iyo maamulka degmada si uu meesha ugu baxo khilafkii hakiyay horusocdka degmada.

Digreeta lugu kala diray golaha deegaanka degmada Jariiban oo an wali saxaafadda loo soo bandhigin,waxaa la sheegay inuu gacanta ku haya wasiiru dowlaha wasaaradda Kalluumaysiga Puntland,C/raxmaan Jaamac Kulmiye oo isagu deegaanka ka soo jeeda.

Kala dirista golaha deegaanka ayaa la sheegay inay ku timid,kaddib la tashi uu madaxweynaha la sameeyay wax-garadka iyo siyaasiyinta ka soo jeeda deegaanka,kuwaaso u sheegay madaxweynaha inaysan doonen khilaf iyo dibu dhac.

Raxanreeb oo la hadashay xildhibaanno ka tirsan golaha deegaanka degmada Jariiban,waxaa ay xaqiijiyeen in la soo wargaliyay madaxweynaha inuu kala diray.

Yaa loo magacaabay maamulka degmada

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa si KMG ah u magacaabay guddoomiyaha degmada Jariiban iyo ku-xigeenkiisa si ay usii wadaan maamulka degmada inta mar kale laga soo dhisayo gole deegaan.

Guddoomiyaha degmada Jariiban ee sida kumeel garka ah u shaqeynaya waxaa loo magacaabay,Axmed Yusuf Shirwac,halka ku-xigeenka guddoomiyaha loo magacaabay,Axmed Nuur Kaarshe.

Ugu dambeyntii,kala dirista golaha deegaanka Jariiban waxaa ay ku soo aadaysa xillu muddooyinkii dambe uu waday madaxweynaha Puntland isbadalo dhibac walba leh oo la sheegay in lugu raadinayo dar dargalinta howlaha dowladda iyo wax-qabadkeeda.
Source: RaxanReeb