Magaalada Gaalkacyo oo 90% laga qaxay iyo Ciidamo soo buuxdhaafiyay magaalada

Filed under: Wararka |

Magaalada Gaalkacyo ayaa caawa waxaa jooga dad aad u yar, kadib markii ay shacabkii magaalada deganaa intoodii badnayd isaga qaxeen labada dhanba.

Waxaana magaalada buux dhaafiyay Ciidamo lagu soo daldalayo.

Dhanka kale waxaan la aadin Iskuuladii Magaalada Gaalkacyo muddo 3 casho ah.

Waxaana socdo waan waano aad isleedahay waa xujo iyo dagaal doon.

Si kastaba ha ahaato waxaa aad u daciifa qaabka ay odayaashu waan waanta u wadaan waxaana Guulaystay kooxihii ugu talagaly in ay Gaalkacyo dagaalka ka ridaan.

Puntlandobserver Desk