Magacyada Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada Iyo Lataliyayaashii Madaxwayne Faemaajo Magaaabay

Filed under: Wararka |

Sidoo kale Madaxwaynuhu waxa uu soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Lataliye-yaasha Madaxwaynaha ee Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka, Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta, Amniga Qaranka iyo Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda.

Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada ayaa ka kooban 15 xubnood oo isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Aqoonyahanno, Culimo, iyo qaybaha kale ee bulshada.

Madaxwaynuhu waxa uu u magacaabay Jeneraal Axmed Jaamac Muuse Guddoomiyaha Guddiga, halka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.

Xubnaha kale ee Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada uu magacaabay Madaxwaynuhu ayaa kala ah:

  1. Jen. Cabdulqaadir Cali Diini
  2.  Danjire Maxamed Xuseen Abuukar ( Awliyo )
  3. Prof. Muuse Aadan
  4. Maxamed Yuusuf Jaamac ( Tigay )
  5. Shukri Maxamed Afrax
  6. Sh. Abuukar Bashiir Sh. Cabdullaahi
  7. Sh. Cali Maxamed Xasan ( Wajiis )
  8. Cabdullaahi Calibaar Xoosh
  9. Caasha Abuukar Qaasim
  10. Abuukar Sheekh Cismaan
  11. Suldaan Warsame Suldaan Ibrow Suldaan Caliyow
  12. Bashiir Mursal Ciise Bootaan
  13. Feysal Weheliye Macalin Cumar

Dhanka kale Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay mas’uuliyiin kale oo kale ah:

  1. S/Guuto Axmed Sheekh Maxamed oo loo magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka
  2. S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac oo loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Ciidanka Xoogga Dalka,
  3. Maxamed Cabdirisaaq: La-taliyaha  oo loo magacaabayArrimaha Doorashooyinka & Dimuqraadiyeynta
  4. Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo loo magacaabay Lataliyaha Sare ee Arrimaha Siyaasadda.