Magacyada iyo beelaha gudiga doorashooyinka qaranka ee 2016 iyo sida loo kala keensaday

Filed under: Important News,Wararka |

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa dhowaan ansixiyey guddiga doorashooyinka qaranka ee 2016, oo ka kooban 9 xubnood. Marka laga reebo magacyadooda wax xog ama aqoon dheeri ah looma lahayn xubnahaas, inkasta oo magacyada qaar la aqoonsan karay. Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa beelaha ay kasoo kala jeedaa xubnahaas iyo siyaasiyiinta kala keensaday. Hoos ka aqriso.

DAMJADIID

1- Saciid Xaashi Warsame – Waa Carabta Maxamuud Saalax waxaa keensadey Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid, wuxuu joogaa Garoowe wuxuu ka shaqeeyaa Xawaaladda AMAL, wuxuu u janjeeraa dhanka Damjadiid

2- Maxamed Xasan Thaani – Waa Ogaadeen waxaa keensadey wasiiru dawlaha arrimaha gudaha, waa reer Kenya, waa nin qabiil lagu keeney, oo Dam-Jadiid ay soo hubisay, oo lala ballamay.

3- Xuseen Cabdi Adan – Wuxuu u dhashay Beesha Mareexaan, waa shaqaale dawladeed oo wuxuu agaasime ka yahey wasaaradda amniga, wuxuuna xiriirka caalamiga ah u qaabilsan yahey xisbiga PDP ee Madaxweyne Xasan, wuxuu hadda yahey Madaxa Ololaha Musharax Cabdi Kariim Guuleed, kuma uusan jirin short list-gii 27 xubnood ahaa ee wasaaradda arrimaha gudahu u gudbisey golaha wasiirada, hase yeeshee Damujadiid ayaa sifo aan sharci aheyn ugu daray gudigga doorashooyinka qaranka.

4- Saciid Cali Sheekh Maxamed – Waa Raxaweyn waxaa keensadey Shariif Xasan Sheekh Aadan. Wax badan lagama yaqaan, koleyba qof Shariif Xasan keenay ha yareysan.

5- Maxamed Axmed Nuur – Waa Digil iyo Mirifle waxaa keensadey Faarax C/qaadir waa Damu-Jadiid.

6- Cabdiraxmaan Cusmaan Dirir – Gadubiirsi, waxaa keensaday Cabdisalaam Hadliye, wuxuu soo noqdey xildhibaan, iyo wasiir ku xigeenkii maaliyadda dawladdii Cabdullaahi Yusuf, waa nin u janjeera halkii uu lacag ka helo, wax badan aan galin, ciddii rabta ay ku shaqeysan karto

7- Maxamed Daahir Maxamuud – Waa Ciise, waxaa keeney Wasiir ku xigeenka Maxamed Cali Xagaa iyo safiirka Jabuuti Dayib Dubbad, waa xildhibaan hore waana ka shaqeeya danaha Jabuuti

8- Khadiijo Cosoble – Waa Warsangali Abgaal, waa siyaasiyad, taajir ah, waxey la dhalatey Cabduqaadir Cosoble, waxeyna ka danbeysey inuu Madaxweyne u tartamo sanadkii 2012. Dhinaca kalena Damjadiid qandaraasyo ayey dekedda iyo AMISOM ka siiyeeen, ayadana waxaa lagula heshiiyey iney u shaqeyso, walaalkeed iyo kooxda Damujadiid waa heshiiyeen, waxaana laga yaabaa in labada gobol ee Shabelladda Dhexe iyo Hiiraan lagula heshiiiyey in walaalkeed loo dhiibo ayaduna ay kala shaqeyso Xasan sheekh doorashada 2016.

9- Xaliimo Yareey – Waa Ceyr, Habargidir, waa siyaasad ku xiran Damu-Jadiid, waxaa lagula heshiiyay in laga dhigi doono Gudoomiyaha ama Gudoomiye ku xigeenka gudigga doorashadda maadama ay hada tahay Gudoomiyaha gudigga farsamadda shirka Galmudug ee Cadaado ka socda. Guddigii laga rabey sanadka 2016 in ay doorashada maamulaan dhexdhexaadna ka ahaadaan siyaasadaha iyo kooxaha jira sidaas ayey dhinac ugu janjaeersadeen.