Maleeshiyaadkii Beesha Madaxwayne Xassan oo wata dabaabadihii DFS ayaa xoog kula wareegay dhamaan deeganadii Beesha Biyamaal oo ay u danbaysay Marka

Filed under: Wararka |

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Maleeshiyaadkii Garabka Madaxwayne Xassan Shiikh oo wata dabaabadihii Ciidamadda Dawladda ay xoog kula wareegeen dhamaan deeganadii Beesha Biyamaal.

Inkastoo ay wararkalena sheegayaan in Ciidamdii Beesha biyamaal ay xeelad dagaal magaaladda uga baxeen.
shabeele
Dagaaladan ayaa waxa ay kasocdeen maalmahaan oo dhan deeganadda Beesha Biyamaal ee Ceel-wareegow iyo Ceel-jaalle, Buufow, Janaale, Shalaanbood.

Dagaalada ayaa waxay u dhexeeyeen Beesha Biyamaal iyo Beesha habargidir, dagaaladan ayaa salka ku haya muran sheegasho deegaan oo Beesha Biyamaal ay leedahay deeganadaan waa deeganadii Beesha Biyamaal, halka Beesha habargidirna ay leeyihiin Deeganadaan 23 sanaan joognay.

Ciidamadda Beesha Biyamaal waxaa jabiyay Sariikiishii iyo Ciidankii Qaranka oo uu Taliye kayahay Xassan Shiikh Maxamuud.

Sidaas ayayna Dawladii Soomaaliyeed kunoqotay Dawlad Beeleed.

3 Responses to Maleeshiyaadkii Beesha Madaxwayne Xassan oo wata dabaabadihii DFS ayaa xoog kula wareegay dhamaan deeganadii Beesha Biyamaal oo ay u danbaysay Marka