Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo La Ogaaday In Aynan Dal Maalgashan Illaa ay Xukuumadda, Cadaaladda Iyo Nabadgalyada Gacanta Ku Dhigaan (Akhri)

Filed under: Important News,Wararka |

Warbixin uu si hoose Puntlandobserver usoo gaarsiiyay nin wadaniya ayaa waxaa uu ka walwalsanyahay dabeecado ay dalalka Ingiriiska iyo maraykanku caan kaga ahaayeen hannaanka ay ula dhaqmaan dalalka soo koraya.

Ninkaan wadanigaa balse aan magaciisa doonayn in la sheego ayaa ka walwalsan in ay hadda Ingiriiska iyo Maraykanka Soomaaliya la doonayaan habkoodii hore ee ay caalamka wadamada soo koroya kusoo maamuli jireen.

Iyadoo uu ninkaas wadanigaa fikirkaas marar badan si hoose noola qaybsaday ayay maalmihii shalay saxaafadda Soomaalidu daabacayeen arrin u eg isla arrinkaas uu ninkaas ka welwelsanaa.

Wuxuuna soo jeedinyaa ninkaas wadanigaa in madaxda Soomaalida looga baahanyahay in ay qorshaha qaranka fikirkiisu uu iyaga ka yimaado markaas ka dib ay dalalka Soomaaliya caawiya u sheegaan in ay hannaankaas isaga ah kala shaqeeyaan

 

Document halis ah: Waa kuwee dowladaha soo maleegay qorshaha Amniga Qaranka?