Markale Akhri Qoraal Aan P/O Ku Daabacnay 2016 Doorashadii Ka Hor Reer Muqdisho Ma Taageeri Lahaayeen Haddii farmaajo Puntland Bookhan-lahaa?? (Qormo gaaban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

P/O waxaan marwalba ku daabacnaa warar xaqiiqda ka tarjumaya, waxaanan marlabaad dib u daabacnaa isla qormadii sanad kadib.

Hadda qoraalkaan markaan daabacnay waxaa laga jooggaa sanad ka baddan.
Madaxwayne Farmaajo oo aan P/O ku daabacnay marar badan in uu yahay in daacada, ayaan wali bookhan deegaanada Puntland.
Farmaajo oo noqday Raysalwasaarihii xukuumaddii Sh Shariif 2008, kadibna noqday Musharax Madaxwayne xukuumaddii Sh Shariif oo ka qaybgalay doorashadii 2012.
Kadibna noqday musharax Madaxwayne xukuumaddii Xasan Sh, isla markaana January 8 2017 Noqday Madaxwaynihii Soomaaliya, ayaan wali bookhan deeganada Puntland mudadaas 10-ka sano ah.

Puntland waa deegaanka kaliya ee aad Soomaaliya 1000 km aad gaari ku mari karto adiga oo aynan cidna ku illaalinayn haddii aadan ahayn qof madaxa ama ajnibi ah.
-Sidoo kale Raysalwasaaraha Soomaaliya wali ma aannu bookhan deeganada Puntland mudadaas 10ka billooda.

Shalay Puntland waxaa gaaray Gudoomiyayaasha labada aqal, kadib markii ay dawladda dhexe dareemeen in dawlad Gobaleedyadu kaba awood badan yihiin dawladda dhexe.

Halkaas su’aal baa durba ka imaanaysa, oo kaalay marka aad labada gudoomiye soo diraysaan ma sharcigaad naga saxanaysaan waa su’aal ay shacabka reer Puntland durba iswaydiinayaan.

Akhri qoraalkii aan sanad ka hor daabacnay.

Reer Muqdisho Ma Taageeri Lahaayeen Haddii farmaajo Puntland Bookhan-lahaa?? (Qormo gaaban)

4 Responses to Markale Akhri Qoraal Aan P/O Ku Daabacnay 2016 Doorashadii Ka Hor Reer Muqdisho Ma Taageeri Lahaayeen Haddii farmaajo Puntland Bookhan-lahaa?? (Qormo gaaban)