Marlabaad Akhri: Cabdiraxman Gablax ” Xal ma laga gaari karaa siyaasadda”? (Maqaalkan Oo Uu Gablax Qoray 2013 kabago Nuxurkiisa)

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Qormada Cabdiraxman Gablax ” Xal ma laga gaari karaa siyaasadda”?–> Halkaan ka akhri, oo uu Gablax qoray 2013 ayaan xalay akhriyay waxaana runtii ka buuxa dhamaan xigmadaha ay Soomaali maanta u baahantahay in ay dalkoodii wacnaa dib u dhistaan.

Hadaba waxaan isniri akhristayaasha P/O marlabaad wixii arragti suubana ha kala baxaan qormadaan
strong>
Xigasho puntland24 Fadlan ka akhri warbixinta oo dhamays ah halkaan
Musharaxa Xilka Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdiraxman Sheikh Maxamed ayaa maalmihii ugu dambeeyay Barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu ku shaacinayey qoraalo uu kaga hadlayo arimo badan oo muhiim u ah Soomaalida gaar ahaan dadweynaha Puntland, qoraalkaasi ayaa ah mid in badan ka hadlay sida ugu wanaagsan ee horumar lagu gaari karo.

Gablax-2
Bahda PN24 ayaa waxa ay idin soo gudbineysaa qoraalka Musharaxa si aan akhristayaasha aduunka daafihiisa joogta ula wadaagno qoralka Musharaxa xilka Madaxweynaha ee Puntland oo haatan ku sugan Dalka Masar, isaga oo qoraalkiisa ku bilaabay

Waxaan bariidinayaa dhammaan inta mareegtaan Facebook aan iska maqli karno ama iskaba arki karno.

Dhallinyarada aan kula kulmay Faceboogga:

Waxaan in badan eegayey waxyaabaha inta badan ay dhallinyarada Soomaaliyeed ka hadasho. Interested baan ku ahaa inaan ogaado waxa ay ka oranayaan mustaqbalka iyo rajada laga qabo aayaha dhow iyo kan fog ee nation-ka.

Waxaan ogaaday inta badan dhallinyaradu inay ka hadasho events-ka ama dhacdooyinka maalinlaha ah iyo wixii xiiso leh. Waxaan dareemay inay jirto rajo xumo baahsan iyo quus laga qabo is beddel caafimaad qaba inuu dhoco oo ay timaaddo cid meel marin karta is beddelkaas xaqqa ah oo caddaaladda ku dhisan.

Dhallinyaradu waxaad mooddaa inay iska aruurinayaan oo ay ka fogaanayaan inay siyaasadda ka hadlaan si aan caro ku gaaxsani uga keenin hadallo aan munaasib ahayn oo aan sharaftoodu ugu dhaawacmin golayaashaan lugu dhanyahay. Waa iska fogaynayaan siyaasadaha.

In aad u tiro yar ayaa markay fikradohooda cabbirayaan hadallo meel kadhac ah ku hadla laakiin sidaan is leeyahay 95% dhallinyaradu waxay u gudbeen bisayl xagga edebka niqaashka ah waxayna isticmaalaan luqad hufan oo ay ka muuqato civility ama ilbax-nimo raas adag leh. Waa guul weyn.

Tallaabo la gaaray xilligii ay dhallinyaradu qaadi lahayd:

Dhallinyarada waxaa la gudboon inay mustaqbalka ka hadlaan oo ay uga hadlaan si dhab ah oo aan ahayn madax-salaax. Mustaqbalka ayagaa leh, saxna ma aha inay marti ka noqdaan. Waxaa ila habboon inuu discussion-koodu u gudbo second-level ayagoo ka fogaanaya wixii personal ah.

Taariikhda haddii aad dib u raacdid, waxaad arkaysaa inaan is beddel wanaagsan oo danta ummadda ku dhisani ku imaanaynin sahal. Nadaam kasta oo xun oo dadkiisa la hara, waxaa jira qayb aad u yar oo bulshada ka mid ah oo nacfi ku qabta doonaysana inaan xaaladdu is beddelin. Laakiin haddaad taariikhda dib u eegto waxaad mar kale arkaysaa in ay qaybtaas yari ka cod dheertahay bulsha weynta rajo ku noolka ah oo arrinka faraha kula jirin. Taas waxaa keena xaaladdooda dhaqaale, awoodeed, ama aqooneed ayaa u saamaxaysa inay in badan oo aan sax ahayn inay meel marsadaan.

Xal ma laga gaari karaa siyaasadda?

Waxaan qabaa in siyaasadda xal laga gaari karo haddii uu masraxa siyaasaddu albaabbadiisa u furo dhallinyarada. Albaabbadu waxay furmayaan markii ay dhallinyaradu garaacdo.

Siyaasadda tan mabda’a ku dhisan ayaa lugu gaaraa guusha. Tan is bed-beddesha wax aan luggooyo ahayn lagama dhaxlo. Sidaas darteed haddii ay dhallinyaradu si cilmi ku dhisan uga hadasho siyaasadda, hadalkooduna uu noqdo mid u gudbay second-level, mabda’na ay ku dhisantahay, aqoonta iyo waayo aragnimadana la tix-geliyo guul in laga gaari karo ayaan qabaa.

Puntland:

Puntland waxay ku fadhidaa dhul aad u baaxad weyn oo Somalia ka mid ah. Waxay qaadatay is-maamul loo qirsanyahay. Waxaa suurta gal ka ah inay si lama filaan ah ugu durugto dhanka koboca dhaqaalaha, isku dheelli-tirka siyaasadda, iyo is kafaala-qaadka bulshada.

Shaqo iyo amni in l ahelo ayaa nolosha casrigaan aan joognaa ka unkantaa. Labadaasba suurta gal ayey ka noqon karaan Puntland laakiin waxaa hor-taagan in marka hore labo arrimood oo kale la helo: Caddaalad iyo Dhaqaale.

Markii caddaalad la meel mariyo, dhaqaalahana albaabbada xiran oo ay maamul-xumada iyo qorshe la’aantu xirtay loo furo, amniga iyo shaqadaa hagaagaya, dabadeedna nolosha bulshada ayaa kor u soo kacaysa, dabadeedna dadka waddanka ka cararaya oo dhoofka ah ayaa degaya, dabadeedna kuwii horay u cararay oo dibadda tegey ayaa lasoo laabanaya dhaqaalaha iyo aqoonta ay tabceen.

Qarannimo iyo dal jacayl ayaa loo gudbayaa markii dalka gudihiisa nolol iyo ixtiraam lugu helo.

Su’aal ku socota dhallinyarada:

Sidee bay idinla tahay in Puntland lugu gaarsiin karo Caddaalad iyo Dhaqaale?

Note: Waxaan idinla wadaagi doonaa sida ay aniga ila tahay in Puntland wax looga beddeli karo.

Waxaan raalli-gelin ka bixinayaa qoraalka dhererkiisa.

Waxaan aad u soo dhaweynayaa aragtidiinna qaaliga ah. Waxaan qirsanahay inaad tihiin kuwii lahaa dalka aan ka hadlayo idinkoo ah Somali oo dhan oo aan la kala saarin.

Su’aashii hore waxay ahayd: Sidee bay idinla tahay in Puntland lugu gaarsiin karo Caddaalad iyo Dhaqaale?

Jawaabihii :

1.Caddalad in la helo 6
2.Musuq Maasuqa oo laga boxo 1
3.Qabyaaladda oo laga gudbo 1
4.Kaabayaasha dhaqaalaha oo la dhiso 5
5.Dhallinyarada in loo abuuro ururro mideeya 1
6.Diiwaan gelin shacab 1
7.66 kii in laga gudbo oo xisbi loo gudbo 3
8.Hoggaan toosan oo aqoon leh in la helo 5
9.In xukunka laga ilaaliyo intii lasoo shaqaysay
dowladihii Somalia 2
10.Xukuumadda jirta hadda in 5 sano
11.loou daro 1
12.Doorashada halka xisbi oo la joojiyo 1
13.Dhallinyaradu inay xil isa saaraan
iyagu sidii dhallintii SYL yeeleen 2
14.In la helo maamul Islaami ah 2
15.Wacyi gelin shacab 1
16.Arrimaha mujtamaca oo la ha hagaajiyo 1
17.Gole wada tashi oo furan in la dhiso 1
18.Hoggaan wada shaqaynaya 1

Marka hore waxaan intii waqtiga iyo maskaxda gelisay qoraalkii hore aaraa’doodana noogu deeqay uga mahad celinayaa danaynta dalkeenna iyo aayihiisa.

Haddaad eegto shaxda kor ku xusan waxaad arkaysaa in hammiga muwaadiniintu ku dul wareegayo in Caddaalad la helo, Dhaqaale la abuuro, hoggaan fiicanna la helo, nadaamka fur-furan ee xisbiyada badan lugu magacaabo in loo gudbo iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Runtii qodob kasta oo ka mid ah aaraa’dan dhallinyaradu wuxuu mudanyahay in kaligiis maqaal dheer laga qoro si xaqqiisa loo siiyo la iskagana shaafiyo ayadoo wixii nafac lehna lagala baxayo wixii kalana la isla meel dhigayo in laga maarmi karo.

Aniga aragtidayda ku saabsan qodobbadaan, ayadoo Caddaaladda iyo Dhaqaaluhu ay yihiin xayndaabka sare, ayaa waxaa I cajab geliyey “Gole wada tashi oo furan in la dhiso, iyo hoggaan wada shaqeeya” waayo adduunka hor u maray wuxaad ka helaysaa golayaal wada tashi “Think Tank” oo ah Policy Institutes saamayn weyn ku leh siyaasada mujtamacyada. Sidoo kale, haddii uu talada dalka hoggaamiyo qof qurihi ee aan lugu hoggaamin team ahaan, waxay noqonaysaa kaligi talisnimo xataa haddii la soo doortay qofkaas. Kolkaa in waddanka uu team mabda’ hor u marineed ku midaysani hoggaamiyo waa muhiim waanan ku raacsanahay ra’yigaas qofka soo qoray.

Su’aasha imanaysaa waxay tahay, garannay waxyaabaha inaka maqan oo aan doonayno inaan gaarno kuwa ugu daran: Caddaalad, Dhaqaale koraya, Hoggaan bisil, Nadaamka xisbiyada, iwm ee sidee ku gaarnaa?

CADDAALADDA:

In Caddaalad iyo Dhaqaale kobcaya la abuuro waa suurta gal.

Caddaaladdu waxay ku imaan kartaa in la abuuro system dowladeed oo isku dheelli tiran (Checks and Balance) leh. Yacni system asagu iska ilaalin kara in la qalloociyo si loogu fushado dano gaar ah. Fikradda ah waa inaan raadinnaa hoggaan caddaalad ah si aan caddaalad u helno, waa fikrad wanaagsan, waxaase ka kasii wanaagsan inaan raadinno hoggaan garanaya sida loo dhiso Nadaam caadil ah oo asaga gadaashiis la raaco, dabadeedna aan ilaashanno nadaamkaas. Cid kasta oo nadaamkaas mustaqbalka dhow iyo kan fog wax ku hoggaamisaa waa ku khasbanaanaysaa inay caddaalad ku shaqayso.

Hadal-hays (Keyword) ku waa midkaan: In hoggaamiye caadil ah la raadiyaa waa wanaag, waxaase kasii wanaagsan in la raadiyo cid dhisi karta Nadaam caadil ah.

Nadaamka caadilka ah waxaa u gudbay waddammo badan kuwaas oo ah kuwa maanta lugu magaaabo waddammada barwaaqo-sooran-ka ah iyo qaar ay xeer-wadaag yihiin. Dabcan, nadaamkoodu kuma magacowna nadaam Islaami ah, hase ahaatee inta uu Islaamka ku khilaafsanyahay waa in aad u yar sida faraqa u dhexeeya Demuqraaddiyadda iyo Shuurada iyo waliba nadaamkooda bangiyada oo ah mid Ribawi ah amase waxa aan u naqaanno Rubi-saar ku dhisan.

Demuqraadiyaddu waxay oranaysaa, “Wixii dadku isku raaco waa sharci” Nadaamka Shuuradu wuxuu oranayaa, “Wixii dadku isku raaco waa sharci inta aanay ka hor imaanaynin Sharciga Rabbaawiga ah” Intaas bay ku kala duwanyihiin aniga aragtidayda. Innagu si sahal ah ayaan isku waafajin karnaa labadooda. Waxaan abuuri karnaa Guddi Culimmo (Ulama council) lasii mariyo xeerarka kasoo baxa golaha wakiillada.

DHAQAALAHA:

Dhaqaala kobcaya wuxuu imaan karaa markii maal-gashayadayaasha caalamiga ahi ay na bartaan oo ay nugu bartaan inaan nahay dad dhistay system ay raacaan oo waddo sax ah ku socda. Aan faah-faahiyo.

Tallaabada ugu horraysaa waa in la dhiso Nadaam Caadil ah. Waa mid tix-raac leh oo wixii la dhaqan gelinayo ay wada tashi ku meel maraan. Mar haddii ay meel maraan waa mid aan qodobbadiisa waligood danbe lugu xad-gudbin. Waa mid leh Regulatory branches (Legislative and Judicial) iyo Enforcement branch aan isku khaldamin. Inta nadaamkaas la dhisayo waxaa muhiim ah in la meel-mariyo wacyi gelin shacab si loo helo bulsho leh discipline la jaan qaadi kara nadaamka la qaatay.

Intaasi waa tallaabada hore. Tallaabada ku xigtaa waa in is beddelka yimid adduunka lugu war geliyo oo loo sameeyo suuq-geyn (Marketing). Haddii aan dhisanno nadaamka ugu wanaagsan adduunka laakiin aan juhdi ballaaran la gelin dhinaca iclaamka waxaa imanaysa in nadaamkii cusbaa oo toosnaa uu fashilmo markii bulshadiina ay is beddel noloshooda ku yimaada arki weydo, dhaqaale nadaamka cusub lugu wadana la waayo. Si naf-la-caari ah ayaa kolkaa loogu noqonayaa musuq-maasuqqii lagasoo gudbay waxaana taas la imaanaysa in is beddel danbe laga quusto ciddii ku hadaaqdana lugu qoslo sidaasna ay bulshadu ku dhibaatooto dalkuna uu dib ugu dhoco oo uu asaagiis la tartami waayo. Sidaas darteed, dhismaha Nadaamka caadilka ahi waa inuu wata Iclaam ku wajahan maal-gashadayaasha caalamiga ah (Global Investors).

Tallaabada saddexaad waa in la fahmo sida loo soo jeediyo maal-gashadayaasha caalamiga ah. Maal-gashadayaasha caalamiga ahi waa labo nooc:

Public Investors iyo Private Investors. Kuwa hore waxay maal geliyaan mashaariic ay xukuumaduhu gacanta ku hayaan sida mashaariicdii Somalia ee Faanoole iyo Mareerrey. Markii ay xukuumadda ka arkaan in ay nadaam caadil ah qaadatay ayey qiimeeyaan inay run ka tahay iyo inay dib-dib ugu noqon doonto wixii xumaa oo ay taqaannay (Musuq-maasuqqii). Haddii ay ka arkaan in uu is beddelku run u egyahay waxay ku qiimeeyaan tallaabooyinka ay qaadeen iyo qorshohooda dhaqaale. Tusaale ahaan: Uganda waxay 1990s kii caalamka uga gadday qorsheheedii dhaqaale inay hantidii ajaanibta laga dhacay celinayso iyo tallaabooyin kale oo badan oo geesinnimo lahaa. Institutional Investor score-koodii wuxuu ka kacay 18 asagoo gaaray 23.

Haddii aan durbadiiba lugu guulaysan soo jiidashada Private Investors-ka waxaa badanaaba dhacda in Public Projects-kii yimid ay sabab u noqdaan dib usoo noqoshada musuq-maasuqqa ayadoo fursadaha shaqo oo ay abuureen iyo malaayiinta dollar ee lugu aaminay nadaamka curdanka ah la kala boobo maal-gashadayaashiina ay dib u noqdaan.

Waxaa laga yaabaa innagoo dhisannay Nadaam caadil ah haddana inay nugu adkaato inaan soo jiidanno maal-gashadayaasha caalamiga ah waayo waxaa adag si loo tir-tiro wixii ay dhegohoodu u barteen inay maqlaan. Inverstors-ku siday wax u fahmaan waa si kale. Waxaa dhacaysa in waddan yar oo African ah fadeexo dhaqaale ka dhacdo dabadeedna ay lacagtooda kala baxaan mid kale oo African ah. Qaarkood qaaradda oo dhan hal magac bay u leedahay ama waxay ugu kala qaybsantahay East Africa, West Africa, iwm. Inta badan haddii loo tago oo loo sheego in waddan hebel uu nadaam fiicani ka dhismay, waxay ku jawaabaan, “Naga taga, haddaan idiin baahanno annagaa idinsoo wacaynee”. Yacni kaligii talis walbaa intuu u tago ayuu ku yiraahdaa waddankaygu waa 100% xagga musuq-maasuq la dirirka ee maal-gashda. Markaa waa ay ku daaleen dhegohoodana waa xirteen. Waxaa xusid mudan in uu Robert Mugabe of Zimbabwe barnaamij maal-gashi u gudbiyey hantiilayaal Reer-Galbeed ah ayadoo wax yar laga joogo xilligii uu beerohoodii iyo warshadohoodii dhacay. Waxaa la oranjiray qorshihiisa, “Look East” eeg xagga bari.

Adduunka dhaqaalihiisu wuxuu yaal waddammada Reer-Galbeedka iyo Japan oo la xulufo ah. Wixii intaas kasoo haraa waa waxa yaal suuqyada Carabta. Carabta lacagteeda waxaa heli kara ciddii waxay doonayaan ay ka helayaan waana waddammada horay u maray. Aqoon iyo sanco aan meel kale oollin bay wax ku bixiyaan. Reer-Galbeedka waxaa haysata arrin ku khasbaysa inay maal gashadaan waddammada soo koraya. Arrintaasi waa midda soo socota:

Shaqaalohooda oo doonaya inay qaataan mushaarooyin aad u badan. Taas ayaa ku khasabtay inay maal-qabeenkii warshadohoodii u rartaan Malaysia, China, iyo India. Maal-qabeenkaani waxay marar badan raadiyaan inay helaan waddan uu dadkiisu oggolyahay mushaarooyin aad uga hooseeya kuwa waddammadooda laga bixiyo waase inay ka helaan waddankaas shaqaale xirfad leh iyo meelo si sahlan wax looga dhoofsan karo (Infrastructure) waddooyin, dakado, iyo airports. Isku soo duuboo, Puntland waxaaba shaqo-la’aanta (unemployment)-ga dhallinyarada 50% yarayn kara Public Projects-ka sida sahalka ah lugu keeni karo waddanka. Markii ay kuwaasi hir-galaan, Privet Investors waa imaanayaan. Fursaddii free-trade-ka ee furantay 90 naad kii waxaa si ragannimo leh uga faa’iidaystay China iyo India. Waxaad mooddaa inay shirkadihii Reer-Galbeedka ka bi’iyeen hamuuntii ay u qabeen shaqaale jaban taasina waxay caqabad ku noqtay waddammo dhowr ah oo u gudbay Nadaam Caadil ah hase ahaatee ku guulaysan waayey inay u yeertaan maal-qabeenkii Reer-Galbeeka waayo China iyo India ayaa wali oonkii qaba. Iminka waxaa dhacday in labadaan waddan shaqaalohooda mushaarkoodii kor u kacay maxaa yeelay ayagii baa yeeshay maal-qabeen cusub oo kasoo dhex baxay process-kii socday. Taasi waxay dhawaan abuuri doontaa in ay sharikadihii Reer-Galbeedku is bixin waayaan oo ay waddammo hor leh goobaan.

Inta aanan u gudbin ra’yigayga ku saabsan su’aashii socotay ee aan horay u sheegay inaan wax ka oran doono, waxaan tii caamka ahayd kusoo khatimayaa NOTE-kaan yar ee soo socda:

Nadaamka Caadilka ah ee xisbiyadu wuxuu ka guntamaa shacab tirsan oo number ku cod bixiya ee aan khad farta gelin markii ay codaynayaan. Dhaqaale wuxuu ka guntamaa warshado, warshadana waxay ka guntamaan koronto uu qiimeheedu jabanyahay.

AAN USOO LAABTO PUNTLAND:

Xaggee ka bilownaa? Sideese Puntland loogu soo dabbaali karaa Nadaam Caadil ah iyo Koboc Dhaqaale ?

1. In la tix-geliyo axdigii ku-meel-gaarka ahaa ee 1998 kii. Sababtu waa middaan: Wuxuu ahaa axdigii dhammaan bulshada qaybeheeda kala duwan si niyad-sami ah isugu raaceen. Wixii intaas ka danbeeyey waxay ahaayeen wax lugu dirqinayo bulshada oo musuq-maasuq ku dhissan. Taas macneheedu ma aha iaan loo gudbaynin Nadaamka fur-furan ee caadika ah. Waa in loo gudbaa. Waa in nadaamka qabiiliga ah laga gudbaa. Laakiin waa in kii hore la haystaa inta laga soo dhisayo mid wanaagsan oo shaqayn kara oo la isku raacsan-yahay. Gadaal baan ka oranayaa sida ay iila muuqato in loo sameeyo Nadaamka Caadilka ah.

2. In maamulka iminka jira aan la beddelin oo aan ku meel-gaar la samayn inta laga gaarayo doorashada January 8, 2014. Haddii maamulkaan la kala diro sida aan ka maqlay dadka qaarkood inta ka horraysa maalinta doorashada 2014, Puntland dhib baa soo gaaraysa.

3. In doorashada January 8, ay ku dhacdo 66 kii laakiin golaha wakiillada cusub lugu xiro shuruudo sare oo ay kusoo baxayaan dad wax-tar ah.

4. In maamulka cusub oo samaysma January, 2014 laga ag dhiso guddiyo daba-gal oo la xisaabtama.

5. In maamulka cusub dhiso Gole cusub oo Isimmada Puntland loo sameeyo.

6. In Shacabka diiwaan-gelintiisa la bilaabo saddexda bilood kadib marka maamulka la doorto diiwaanka nasabkana la dhigo Golaha Issimmada maamulkuna aanu Database-ka gelin magac aanu ka keenin diiwaanka nassabka ee yaalla Golaha Isimmada.

7. In shacabka loo sameeyo ID’s dabadeedna canaawiin loo sameeyo. America waxaa ku nool Hill Billys iyo Rangers aan si joogto ah looga helin meel mucayin ah waxaana loo sameeyey sanduuqyo u eg kuwa boostada oo lamber leh (Fixed Addresses). Sanaadiiqdaas ayaa u ah canaawiin laga xisaabiyo.

8. In canaawiinta shacabka loo sameeyey loo kala qaybiyo 66 qaybood. Qayb kasta in uu kasoo galo hal wakiil oo canaawiintaasi soo doorteen.

9. Golaha Wakiilladu muddada ay xilka hayn karaan in laga dhigo 2 sano. America goleheeda wakiillada waxaa lugu soo doortaa 2 sano. Taasi waxay keentaa inaan wakiilku is dhigan maadaama uu dadkii soo doortay goor dhow ku soo laaban-doono.

10. In markaa xisbiyada la diiwaan geliyo ayadoo aan lugu xirayn saddex iyo afar iyo in kale toona.

Waa sidaas sida aan u arko in Puntland ku gaari karto Nadaamka Caadilka ah waxaanan filayaa in 4 sano lugu dhammaystiri karo si doorashada 2018 ay u noqoto mid aan marxalad kale ugu gudubno iyo modern governance.

Enjoy Dhallinyaro. That is what I think will work for us. Please let us know what you think will work.

Note: This is very detailed approach to our governance problems. They say, ”The devil is in the detail” ayagoo u jeeda waxaa dadka aragtidoodu kala durugtaa marka loo gudbo faallada. Tani waa faallo. Kolkaa dhallinyarada qaarkood waa iga fikrad duwanaan karaa qaarna waxaan noqon karnaa isku fikrad. Waan tix galinayaa intiinna iga aragtida duwan xaq ayaadna u leedihiin inaad tayda critic ku noqotaan.

Again, waa qoraal aad u dheer. Waa isku dayey inaan gaabiyo laakiin sidaas baan ka badin waayey.

Mahadsanidiin.

Abdulrehman Sh. Mohamed – Gablax
Cairo, Egypt

Puntlandnews24
Kampala,Uganda

One Response to Marlabaad Akhri: Cabdiraxman Gablax ” Xal ma laga gaari karaa siyaasadda”? (Maqaalkan Oo Uu Gablax Qoray 2013 kabago Nuxurkiisa)

  1. Pingback: Marlabaad Akhri: Cabdiraxman Gablax ” Xal ma laga gaari karaa siyaasadda”? (Maqaalkan Oo Uu Gablax Qoray 2013 kabago Nuxurkiisa) - Daily Somalia Report