Marlabaad akhri Qormadii:Reer Muqdisho farmaajo Ma Taageeri Lahaayeen Haddii uu Puntland Bookhan-lahaa?? (Qormo gaaban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Reer Muqdisho Ma Taageeri Lahaayeen Haddii farmaajo Puntland Bookhan-lahaa?? (Qormo gaaban

think
Beelaha kasoo jeeda magaalada Muqdisho waxaad mooddaa in aynan haba yaraatee garankarrin micnaha dawladnimo iyo in dawladnimo tahay wax la isku darsaday oo la wadaago, dawladda la sheegaya ay tahay wakiilo ay dadku doorteen iyo wakiil gudoomiya wakiilada dagmooyinka dalka ma tala.

Raysalwasaarihii xukuumaddii Sh Shariif Farmaajo ayaan waligiis bookhan Puntland, sidoo kale ma aanu bookhan Jubbaland.

Beelaha magaalada Muqdisho ayaa aad ugu ololeeya Farmaajo, laakiin waxaa hubaala haddii uu Farmaajo bookhan lahaa Puntland oo uu markaas muujin lahaa in ay Puntland tahay muhiim, ay markaas beelaha Muqdisho taageerada ay hadda u hayaan Farmaajo hoos u dhici lahayd amaba ay ku shaabadayn lahaayeen waa nin aan waxba qaban karrin.

Waxaana xasuus mudan markii Saacid uu bookhday Puntland muddo kooban gudaheed ay Xasan Shiikh isku dhaceen xilkiina laga qaaday, hadana markii uu raysalwasaare Cabdiwali bookhday Puntland isna laba wiig ka dib ay isku dhaceen Xasan Sheekh xilkiina laga qaaday.

Cabdullaahi yusuf wuxuu ahaa nin xeeriya oo garankara in Dawladdu tahay wax la isku darsaday, wuxuuna beelaha Soomaaliyeed ka xulanjiray ragga iyo dumarka ugu miisaanka culus beelaha Hawiye iyo Isaaq iyo Digil iyo Mirifle sida Xuseen Caydiid, Maxamed dheere, Geedi, Gacmadheere, Shaatiguduud, Sh Adan Madoobe, Buubaa.

Dhamaantood waxay ahaayeen raggii xiligaas ugu cuslaa, taasi oo muujinaysa in dawladdu ay qaymo ku leedahay marka ay ka muuqdaan dadkii bulshada danaheeda matalayay oo markaas isku miis wada fadhiya,

Qolooyinkaan reer Muqdisho waxay leeyihiin.

Caasimaddii Soomaaliyeed Unakaa gaar u qaadanay oo Soomaalida kale nala dagi mayso waana caasimad Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha Soomaaliyeed unakaa Gaar u leh oo cid in ay hawaysato ma ogalin oo waa banaanbaxaynaa hadaan arragno cidkale oo hawaysanaysa.
Hadana raysalwasaaraha unakaa keen sahayna oo nin unaka noo ah Horgale aan ka dhiganaynaa.

Hadana Ciidankii Qaranka unaka kaliyaa iska leh.

Marka caqligiiba waa unaka, oo waxaa meesha ka maqan caqligii oranayey aan wada samaysano dawlad matasha umadda oo dhan oo xarun ka dhigata Gola ay umadda oo dhan wada degan yihiin, oo ay ciidamduna ka koobanyihiin beelaha Soomaaliueed oo dhan sida dunida oo dhan ka jirta.

Waxaana kasii daran madaxda maamul gobaleedyada oo aanba aqoon in lala xisaabtamo reer Muqdisho oo la yiraahdo ama Dawlad noo wada dhaxaysa ayaan wada dhisanaynaa ama ciisaa bidiin muusaa bidiin, ninkastaa isagay u taal meeshuu galilahaa.

12 Responses to Marlabaad akhri Qormadii:Reer Muqdisho farmaajo Ma Taageeri Lahaayeen Haddii uu Puntland Bookhan-lahaa?? (Qormo gaaban)

  1. Pingback: Marlabaad akhri Qormadii:Reer Muqdisho farmaajo Ma Taageeri Lahaayeen Haddii uu Puntland Bookhan-lahaa?? (Qormo gaaban) - Daily Somalia Report