Masax buu ahaa hadalkii Timakalajeex: Gobalka Mudug 80% Galmudug baa leh (Puntlandobserver oo Mapka iyo cadaymo sida qabiiladu u kala deggaan Gobalka idiin soo uruurisay)

Filed under: Wararka |

Timakaljeex Madaxwaynaha labaad ee sheegta in uu Madaxwayne ka yahay Galmudug ayaa waxaa uu qabtay shir Jaraa-id waxa uuna war saxaafadeedkiisa ku sheegay in Gobalka Mudug ay 80% ay Galmudug leedahay.

Hadaba akhristow si aan laguu jaahwareerin ayaan waxaan kuusoo Google garaynay magaalooyinka ay Qabiiladu kala degaan iyo Maap ahaan baraha ay ku yaal, waxaana idiin soo google gareeyey ruux degaanka kasoo jeeda oo aqoon durugsan u leh.

Qabiilada Gobalka Mudug

Hadaba sida Maapka ku cad.
Wax murana hadda kama taagna Maapka ay Puntland sheegato, laakiin waxaa laga yaabaa dad xamar isaga soo koray hadana si qaldan qolo wax ugu sheegtay in wax been ah laga dhaadhiciyo.

Gobalka Mudug waxaa degga beelo farabadan oo oo Soomaaliyeed, intii aynan dagaalada sokeeye dhicin Beeluhu waa ay is dhex degi jireeen, laakiin dagaaladii sokeeye wixii ka danbeeyay waxaad moodaa in xoogaa qoys walba uu degaankii ay markii hore u badnaayeen ay xirteen

Hadaan dhanka Xeebta kasoo bilowno
Garacad waxaa degga CumarMaxamuud/majeerteen
Dhinowda oo 80 Km dhanka Koonfureed Garacad kasoo xigta waxaa wada dega Cumar Maxamuud iyo Shiikhaal, waxaana u badan Shiikhaal.

Dhinowda waxa ay ka tirsantahay Maamulka Puntland, inkastoo Beesha Shiikhaal ay labada dhan ee galmudug iyo Puntlandba ay heshiis iyo xiriir wanaagsan la leeyihiin

Tawfiiq waa Degmo Cusub oo Puntland ay Degmo ahaan u aqoonsatay, waxaana degga Dir, waan Degmada ay Beesha Direed hada Puntland ahaan uga midka tahay, inkastoo dirtu ay Sacadka iyo Majeerteenka labadaba xiriir wanaagsan la leeyihiin.

Afbarwaaqo, waxaa wada Sacad iyo Dir, waaggii hore waxaa u badnaanjiray Sacad, laakiin hada waa ay wada degaan dirta iyo Sacadku.

Goldogob waxaa wada degga Leelkase iyo Majeerteen, waxaana u badan Leelkase

Balibusle waxaa degga majeerteen/Cumarmaxamuud

Halkaan hoosena waxaad ka eegtaa sida ay degmooyinkii hore u dhisnaayeen

Somali_tribes_districts

halkaana waxaad ka eegtaa sawirka sida ay wali beelugu halkoodii beelwalba ugu calaamadaysantahay

somalitribes

halkaan ka eeg sida uu Google map u calamadiyay baaxadda Deegaanka Jariiban isagoo malaha ka wada inta Puntland raacsan

jariiban map
https://www.google.fi/maps/place/Jariiban,+Somalia/@7.3058284,49.225524,9z/data=!4m2!3m1!1s0x3d746cbe00d8b693:0x9db7ab0f4d6a1f0e

Halkaana waxaad ka daawataa war saxaafadeed

2 Responses to Masax buu ahaa hadalkii Timakalajeex: Gobalka Mudug 80% Galmudug baa leh (Puntlandobserver oo Mapka iyo cadaymo sida qabiiladu u kala deggaan Gobalka idiin soo uruurisay)