Mashruuca Galaydh iyo Marinhabaabinta Shacabka iyo Maantana Garoowe ayaa Sool kusoo durkay

Filed under: Important News,Wararka |

Mashruuca Galaydh iyo Websaydyada uu Shacabka Beelaha Harti 20 ka sano ku marin habaabinayay iyada oo shaqada Galaydh ay ahayd kala Qaybinta Beesha Harti ayuu maantana la shiryimi Garoowe ayaa Sool ku durkaya.

Sharciyan Gobalada Soomaaliya waa ay kala xadaysanyahiin, Gobalkastana Xadkiisa Illaa aduun waynaha ayaa laga ogyahay, Sharciyana wax macquula ma ahan in Gobal uu Gobalkale ku durko.
Garoowe Boocame
Waana kala Xadaysanyihiin.

Sideedaba dhulka Soomaalidaa Soomaali oo dhan buu ka dhexeeyaa, laakiin in dhulkii lakala Xadeeyo oo matalan ninkii dhul ka iibsanaya meel Garoowe 18km u jirta dhanka Sool waa in uu Tago Degmada Boocame waayo sida sharcigaa waa xaduuddii degmada Boocame ee Gobalka Sool, waanu in uu ruuxu uu waraaqaha cadayntaa ee dhulak kasoo qaato Degmada Boocame.

Garoowe oo ka tirsan Gobalka Nugaal, wuxuu Xadka Gobalka Sool u jiraa wax 20 km ka yar.
Laakiin Degmada Garoowe dadka Degan maanta oo Ganacsiga iyo Guryaha ugu badan ku leh waxaa u badan Dhulbahante iyo Ciise Maxamuud, waxna kuma jabna haddii nin Ciise Maxamuuda uu dhul ka iibsado aagga Boocame oo uu canshuurta Siiyo Degmada Boocame.

Kooxda Wadata Mashruuca Galaydh ee la isku dirayo beelaha Walaahaa ee Hartiga ayaa muddo 15 sano ah waxay ka shaqaynayaan sida Beelaha Hartigaa la isugu diri lahaa oo maalinba Mashruuc cusub lowgu abuuri lahaa.

Mudane Galaydh baa samaystay ugu yaraan 10 Website oo shaqadoodu tahay sidii la isugu soofayn lahaa Beelaha Hartiga waliba loo dacaaayadayn lahaa beesha Majeerteen, inta badan wariyaaysha websiteyadaas ayaa ka howlgala Laascaanood, Hargaysa, Nairoobi, waxaana lacagta bixiya Galaydh iyo kooxaha Batroolka.

Mashruuca maanta waxaa xooggaa shaaha loo dhiibay odayaal Boocame joogga waxaana la yiri dhulbahanye ku marin habaabiya Majeerteen iyo Maxamuud Saleebaan baa dhulkii dhulbahante kuso duulaya.

Waana maranhabaabin lagu marin habaabinayo Beesha Dhulbahante si indhaha Beesha looga soo jeediyo Beesha Hargaysa ee kusoo duushay dhulka Beesha Dhulbahante, Mashruucaan in muddo ah waxaa lacag ku qaadanayay Mudane Galaydh oo isqariya lacagtana waxaa dhiiba gacmo shisheeye

One Response to Mashruuca Galaydh iyo Marinhabaabinta Shacabka iyo Maantana Garoowe ayaa Sool kusoo durkay