Mashruucii Dekadda Garacad Iyo Galdogob Oo Lagu Burburinayo Siyaasiin Kasoo Jeeda Goldogob OO Loo Adeegsanayo Dhanka Qabyaaladda

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

Somali_tribes_districts

wadaagsin Garacad Goldogob

Mashruuca Goldogob-Garacad, waxaa mudaba socday kooxa diidan in uu mashruucaas dhaqaaqo, waxaana loosoo marijaray burburinta mashruuca dagaalo laga dhex abuurayo Galmudug iyo Puntland, hase yeeshee waxaad mooddaa in qorshihii xasarad ka dhex abuuridda Galmudug iyo Puntland uu hadda gabogabo ku dhawyahay, oo ay shacabkii fahmeen.

Reer Galmudug waxay go’aansadeen in ay deegaanadooda dhistaan ee aynan ku mashquulin ciddii deegaanadeeda dhisanaysa.

 

Markii xaal halkaas marayo, ayaa magaalada Muqdisho waxaa laga soo abaabulay siyaasiyiin reer Goldogob ah oo si mashruuca Goldogob Garacad loo burburiyo laga dhaadhiciyay in ay beesha Leelkase ka saaraan Puntland si markaas mashruucaas halkaas ugu burburo.

Waa ay hagaagsantahay in Puntland beelaha illaahay kuwada abuuray ay si daacada ugu xisaabtamaan hase yeeshee ma haboona in qalad -> qalad lagu saxo, ee wixii qalada hanaan hagaagsan baa loo saxaa.

Waxaana jira shacab farabadan oo diidan hanaanka siyaasadeed oo Puntland loosoo maaraynayay, waxaana hagaagsan in inta wanaagga jecel ay iska kaashadaan sidii Soomaaliya iyo Puntlandba hanaan siyaasadeed oo hagaagsan lowgu duwi lahaa.

Xalka.

Halka ugu wanaagsan ee laga sixi karo waa iyadoo la hello siyaasiyiin fahansanaan durugsan leh oo dalka nidaam siyaasadeed oo cadaaladeed u horseeda, hay’adihii dawliga (instititions)  ee hanaankaas hirgallinlahaana la yagleelo.

Laakiin beesha Leelkasaa si gooniya Puntland xuquuqdooda loo duudsiiyaa, ma ahan wax saxa oo Puntland kooxo aan badnayn baa siyaasadeeda inta badan maamula, kamana wada koobna dhammaan beelaha Puntland.

Waa run oo waxaa jira hanaan siyaasadeed oo Puntland muddo kasoo jiray sida , Madaxwaynaha, ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ay intii ay Puntland jirtay ay kala qaadanayeen Majeerteen, Dhulbahante iyo Warsangali.

Dhanka Gobalka Mudug ayaynan beesha Leelkase marna noqon Gudoomiyaha Gobalka Mudug ama gudoomiyaha degmada Gaalkacyo, inkastoo ay inta badan ku xigeenka qaadanayeen waliba si joogto ah.

Hanaanka arrimahaas oo dhan loo sixi karo waa iyadoo loo gudbo hanaanka constituency hoos kilig garee oo dhegeyso

Dhegeyso constituency ama Gole Deegaan Siyaasadeed Waa Aasaaska Hirgallinta Nidaam Siyaasadeed Soomaaliya By Ibrahim Gablax