Mashruucii JPLG Oo Aan Laga Qaybgallinjirrin Gobalada SSC, Maxaa U Sabab Ahaa (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

jplg
Mashruuca JPLG-halkaan ka eeg oo ahaa Mashruuc ay maalgallinayeen illaa 5 wadan oo Europe ah sida Uk, Norway,Denmark, Eu,Switzerland, Sweden iyo shan hay-adood oo ah kuwa Un-ta sida UNDP, UNICEF, HABITAT, ILO and UNCDF.
Mashruuca ayaa u jeedada loo aasaasay ay ahayd sidii si wada jira loo taakulayn lahaa degmooyinka Soomaaliya.
Hadaba Mashruuca ayaa waxaa aad uga faa-iidaystay Somaliland iyo Puntland, balse waxaan mashrucaan ka faa-iidaysan degmooyinka SSC.

Waxaana isa soo taraya doodo farabadan oo qoloba ay dhankooda u fasirayeen.
Marka puntland la joogo ayay warsangaliga iyo Dhulbahantuhu oran jireen Majeerteen waxwalba iyaga gooni u qaata oo cidkale waxba uma ogala.

Qolo kale waxay ku doodaan Mashruuca in lageeyo Gobalada SSC waxaa hortaagnaa mulkiilayaasha Mashruuca ee Un-ta oo lasoo taagan Gobaladaas waxay ka tirsanyihiin Somaliland, iyo Qolo kale oo oranaysa gobaladaas waa meel lagu muransanyahay oo sidaas awgeed mashruucii kama hirgalikaro.

Laakiin maanta haddii shacabka Puntland ay isku raaceen in arday kasta oo reer Puntland laga qaado hal dollar oo loo qoondeeyay wadada Ceeldaahir-ceerigaabo, waxay taasi muujinaysaa shacabka Puntland in aynan waxba dhexdoodu isku diidanayn ee Mashruuca JPLG mashaariicda uu fuliyay iyo meelaha uu ka fuliyay waxaa iska lahaa go’aanka deeq bixiyayaashii mashruuca.

Dood kale ayaa iyana oranaysa 5-ta dal ee mashruuca maalgallinaya ayaa qudhoodu ku kala qaybsanaa arrinka ssc oo dalalka qudhooda qaarba dhan bay ula muuqatay.

Inkastoo ugu danbayntii mashruca laga qaybgalliyay gobalada ssc, oo labada maamul ee Somaliland iyo Puntland loosoo marsiiyay wixii la awooday, oo dhanka Puntland waxaaba hogaaminayay Madaxwayne Camay.