Maslax Daahir Guure: Gudoomiya Qurbo-joogta Reer Puntland Ee Australia oo Hambalyo U-Soo Diraya Madaxwayne Farmaajo

Filed under: Important News,Wararka |

Asalamu Alaykum

Anigoo ah Maslax Daahir Guure kuna hadlaya magaca qurbo-joogta reer Puntland ee Australia ahna Gudoomiyaha Qurbo-joogta Reer Puntland ee Australia waxaan halkaan hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa guushii taariikhiga ahayd ee uu gaaray Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo oo ku guuleystay doorashadii madaxweynaha soomaaliya taas oo ka dhacday Caasimada dalka ee muqdisho.

Waxaan leeyahay mudane madaxweyne aad iyo aad ayan ugu faraxsanahay guushaada run ahaantiina waxan oran karaa waa guul uso hoyatay dhamaan ummadda soomaaliyeed meel walbo oo ay dunida ka joogaan sababtuna waxaa weeye waxad kuso baxday doorasho xor ah oo xalaal.

Waxay ahayd doorasho miisaan culus leh tusaalena u ah hormarka siyaasadeed ee wadankeenu gaaray waxaana laga dareemaaya dhamaan ummadda soomaaliyeed inay aad uga faraxsanyihiin qaabkii loso agaasimay loona maamuley doorashadii ka dhacday mogdishu sidoo kalena waxay ummadda galisay rajo wayn oo ku aadan in doorashooyin xor ahi ay ka dhici karaan soomaaliya

Waxaan mar walbo kula garab taaganahay taageero iyo garab istaag dhab ah si aad ugu guulaysato waajibaadkaga shaqo ee lagu igmaday.

Waxaan Eebbe kaaga baryaynaa inuu kuu fududeeyo xilka culus ee aad qaaday.

Maslax Daahir Guure
Gudoomiya Qurbo-joogta Reer Puntland Ee Australia
Melbourne – Australia