Maxaa ka soo yeeray Mr Michael Keating? See wax ka yihiin?

Filed under: Articles,Wararka |

michael keating1
Maxaa ka soo yeeray Mr Michael Keating? See wax ka yihiin?
Waa hadal cunsuri oo si dadban loo yiri. Waa hadal uu asaga oran waayey balse jecleeystay in loo yiraahdo. Waa ereyadiisa, waxba yuu dad kale u saarin.
cusmaancumar@gmail.com
Michael Keating-wtiter
Waa twitterkuu soo bandhigay Mr Michael Keating goortuu la kulmay siyaasiyiinta Puntland.

Fasirkiisu waa: Siyaasiyiinta ruugcaddaaga Puntland yaa ii sheegay in “Somalidu tahay daneeystayaal iyo quuqlayaal” – Iyo shaqadeyda iigu rajeyeen nasiib wanaagsan.

Kaba soo qaad in ay run tahay oo lagu yiri sidaa. Ma habboon tahay in shaqsi diblomaasi ah lasoo shirtago hadalkaa?
Waxaa ay u badan tahay, in hadalkaa uu yahay fasir kiisa ah. Waxaa haddaba is weydiin mudan: Maxaa ku kallifay in uu hadaaqaa la yimaado?
Waxaan u badinayaa waa asagoo ka xumaaday in ay usocon weyday qorshihii uu watay oo ahaa in 4.5 uu ka gado Puntland. Waa dareenkiisa liita oo filan waayey in ay jiraan dad u heellan in dulmiga ay diidaan.
Waa tallaabadii ugu horreeysay oo uu qaaday oo faashil iyo guuldarro noqotay. Waxaa dhaliyey waa: asagoo xog badan helin buu si lab la kac ah ula booday go’aanki Xasan Sheekh iyo Sharmarke iyo Dawladooda. Waa asagoo aan uba war heeyn waxa ay qabaan dhammaan dadka ku nool waddanka oo idil aan ka aheyn kuwa Alshabaab ay dul kulaaleyso.
Waxaa kaloo suura gal ah garashadiisa ah: haddaan la iga yeelin teeyda anna qori qiiq leh baan idinkaga tegayaa. Qoriga qiiqa leh waa hadalka liita oo looga danleeyahay isku dir dadka Somaliyeed.
Siyaasiinta Puntland, dhammaantood, waxaa ay u hayaan Somali oo idil cisi iyo sharaf. Aan ka aheeyn kuwa doonaya in ay ka hormarshaan danta guud tooda gaarka ah mooyee.

Mr Keating fashilkii hore waxaa ugu darsaamay kan shalay ku yimid goortuu qoray tweetkaa oo lagu sifeeyn karo: qeyrmasuul, laabla kac, deg deg, kalsoonidarro, arrad, iyo anshax-xumo.

Waxaan filayaa in billoowgiisa xumaaday uu gadaal ka hagaagi doono.

By cusmaancumar@gmail.com

2 Responses to Maxaa ka soo yeeray Mr Michael Keating? See wax ka yihiin?